4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2016
Xukuumadda Turkiga oo ka Dalbaday Dowaldda Nigeria in ay Xirto Iskuullo hoos-taga Sh. Gulen


Sabti, July 30, 2016 (HOL) — Xukuumadda Turkiga ayaa Nigeria ka codsatay inay xirto tiro iskuullo ay sheegtay inuu leeyahay Fetullah Gulen oo dhawaan ay Dowladdu ku eedeysay in uu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga.

Danjiraha Turkiga u fadhiya Dalka Nigeria, Hakan Cakil ayaa sheegay inuu codsaday in albaabada loo laabo 17-iskuul. Dowladda Turkiga ayaa iskuuladaas waxay ku tilmaantay inay kasoo baxaan lacacgo lagu maal-geliyo falal aan Sharciga Waafaqsanayn.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Dowladda Somalia ay xirtay iskuullo iyo isbitaallo ay lahaayeen Dhaqdhaqaaqa Sh. Fatullah Gulen, waxayna eriday dhamaan shaqaalihii hay'adda maamusha xaruman oo NILE lagu magacaabo.

Xiritaanka Iskuulladan iyo Xarumahan Caafimaad ee ku yaallay Muqdisho, ayaa waxaa soo Codsatay Xukuumadda Turkiga, sida lagu sheegay Warbixin Wasiirrada Soomaaliya ay kasoo saareen shir ay ku yeesheen Muqdisho.

Ugu dambeyntii, Fetullah Gulen ayaa iska fogeeyay inuu wax lug ah ku lahaa Maal-gelinta Inqilaabkii dhicisoobay ee bartamihii bishan ka dhacay dalka Turkiga, kaasoo la doonayay in xukunka looga tuuro Madaxweyne Erdogan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya