4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2016
Sawirro: Boqolaal arday Dhameysatay dugsiyada sare ee dalka oo booqatay Jaamacadda Banaadir

Sabti, July 30, 2016 (HOL) — Arday boqollaal gaareysa oo Sannadkaan ka soo baxay dugsiga sare ee Jaabir Bin Xayaan Faraciisa Afarta-Jardiino ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa booqday Xarunta Kambaska Dr. Shahiid ee Jaamacadda Banaadir oo ku yaalla degaanka km-13 ee wadada Afgooye.

Booqashada Ardaydaan, ayaa qeyb ka ah soo dhoweyn iyo casuumaad ay Jaamacadda Banaadir u sameyneyso qaar ka mid ah ardayda ka baxeysa iskuulada sare ee gobolka Banaadir sanad dugsiyeedka 2016-2017 ee daneynaya iney waxbarashadooda sii wataan illaa heer Jaamacadeed.

Xaflad soo dhoweyn ah oo ardaydan loogu qabtay xarunta Jaamacada ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan masuuliyiinta iyo hormuudyada Jaamacada Banaadir qaarkood, maamulka Jimciyada Maka Al-Mukarama oo ay hoos tagaan iskuulo uu ka mid yahay dugsiga Jaabir Bin xayaan iyo xubno kale, iyadoo khudbado kala duwan laga jeediyey.

Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay goobtaas ayaa sheegay iney farxad u tahay soo dhoweynta arday ka aflaxday dugsiyada sare ee dalka qaarkood, kuwaasoo higsaneya mustaqbalka iney ku soo biiraan Jaamacadda, isagoo dhinaca kale ardayda warbixin ka siiyey xiliga la asaasay Jaamacada iyo marxadihii kala duwanaa ee ay soo martay, qaabka ay uga socota waxbarashada, kuliyaddaha ay ka kooban tahay iyo macluumaad kale oo jaamacada quseeya.

"Jaamacadda Banaadir waxaa asaasay aqoonyahano Soomaaliyeed sanadkii 2000 markii ay arkeen baahida loo qabo in la helo Jaamacad tayo leh, 30 arday iyo guri kiro ah ayaa lagu bilaabay, maantana waxaa wax ka barta arday kumanaan gaareysa, kumanaan kalena wey ka qelin jebiyeen, waxay leedahay Jaamacadu Cambus weyn, isbitaal casri ah, maktabad ay yaalaan illaa toban kun oo buug, kuliyad walba oo ka mid ah 12-ka kuliyadood ee jaamacada waxay leedahay xarun u gaar ah, waxayna jaamacadu leedahay qeybta waxbarashada heerka labaad ee Masterka" ayuu yiri Dr. Biday oo intaas ku daray in Jaamacadu ay heysato aqoonsi caalami ah, ayna tahay Jaamacada kaliya ee ay ku mideysan yihiin aqoonyanadii ka baxay Jaamacadii hore ee Umadda.

Waxaa sidoo kale munaasabadan ka hadlay guddoomiyaha jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo soo dhoweyn ka dib sheegay in xiliga ardaygu uu ka baxo dugsiga sare uu yahay xiliga ugu dhibka badan ee uu kala dooranayo Jaamacada uu wax ka baran lahaa si mustaqbal wanaagsan uu u yeesho.

"Kulankan soo dhoweynta ah ujeedooyinka aan u qabanay waxaa ka mid ah inaan macluumaad idinka siino Jaamacada Banaadir iyo qaabka ay u howlgasho taasna waa qeyb ka mid ah mustaqbalka ardayga si isagoo qanacsan jaamacada uu rabo uu ugu biiro" ayuu yiri Gudoomiyaha oo dhinaca kale mid mid Sharaxaad uga bixiyey kuliyaddaha Jaamacada iyo qaabka ay waxbarashadu uga socoto.

Dr. Dalmar ayaa intaas ku daray in ardayga isagoo aan macluumaad ka heysan Jaamacada uu wax ka baran lahaa ay Mugdi iyo shaki gelineyso mustaqbalkiisa, wuxuuna xusay in macluumadka ardayda laga siiyey jaamacada Banaadir inuu qeyb ku yeelan doono go’aanka ay ka gaarayaan jaamacada ay ku biiri lahaayeen.

Guddoomiyaha ayaa ardayda ugu bishaareeyey in marka la qaado imtixaanka jaamacada lagu soo gelayo tobanka arday ee ugu dhibcaha bata ay jaamacadu siin doonto deeq waxbarasho oo bilaash ah, wax qarash ah aan laga qaadi doonin illaa ay jaamacada dhameysanayaan.

"Waxaan soo dhoweynayaa ardayda horteyda fadhida, waxaana u mahad celinayaa iyaga iyo maamulkoodaba anigoo u rajeynaya iney dedaalkooda waxbarasho halkooda ka sii wadi doonaan, waxaana idin balan qaadeynaa inaad Jaamacadda ka heli doontaan Waxbarasho tayo leh oo aad aayi doontaan" ayuu yiri Dr. Dalmar oo dhinaca kale ardayda tafaasiil badan ka siiyey waxyaabaha ay ka heli doonaan jaamacada iyo waajibaadka mid walba goonidiisa looga rabo macalinka iyo ardayga.

Guddoomiyaha Jimciyada Maka Al-Mukarama C/qaadir Maxamed Xasan oo isna khudbad ka jeediyey munaasabada ayaa sheegay in jimciyada ay xiriir joogto ah la leeyahay Jaamacada Banaadir ayna hadda wax ka bartaan Jaamacada arday fara badan oo horey uga baxay iskuulada jimciyada hoos yimaada, wuxuuna ka mahad celiyey sida isaga iyo ardaydiisa loogu soo dhaweeyey Jaamacadda.

"Waxaan idinkula dardaarmayaa ardayey, safiiro ayaad tihiin, mudada aad Jaamacadda wax ka baraneysaan waxaa la idinka rabaa inaad ilaalilaan nidaamka iyo anshaxa jaamacada aadna la timaadaan akhlaaq wanaagsan" ayuu yiri C/qaadir Maxamed Xasan oo intaa ku daray in maadaama Jaamacada Banaadir ay ka mid tahay jaamacadaha ugu tayada fiican dalka inay u dooreen iney ku soo xiraan ardaydan dhameysatay dugsiyada sare, si ay mustaqbal la isku haleyn karo u yeeshaan.

Hadalo isugu jiray soo dhoweyn iyo Guubaabo ayaa waxaa sidoo kale jeediyey Dr. Cumar Kulmiye oo ah madaxa Kambaska Dr. Shahiid ahna ku-xigeenka hormuudka kuliyada Xanaanada xoolaha, guddoomiye ku-xigeenka Muasasada Banaadir, hormuudka kuliyadda dhaqaalaha iyo maamulka ee jaamacadda Banaadir C/raxiin Shiil, madaxa Waxbarashada Jimciyada Maka Al-Mukarama C/llaahi Jaamac, gudoomiyaha qeybta waxbarashada sare ee Mu’asasada Banaadir Dr. C/raxmaan Macallin Fiqi iyo xubno kale.

Waxaa sidoo kale munasabadaas ka hadlay qaar ka mid ah arday horey uga baxday dugsiyada ay maamusho Jimciyada Maka Al-Mukarama oo ka barata jaamacada Banaadir, waxayna xuseen in jaamacada ay ka heleen waxbarasho tayo leh oo dhameystiran, iyagoo ugu baaqay ardayda saaxiibadood ah iney qaataan go’aanka ay horey u qaateen.

Ugu dambeyn, Sannad walba xiligan oo kale Kumanaan arday dhameysatay dugsiyada sare ee dalka ayaa isku diyaariya iney ku biiraan jaamacadaha kala duwan ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee Soomaaliya si ay waxbarashadooda u sii wataan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya