4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2016
Dukaamo Ganacsato oo ay Soomaalidu leedahay oo lagu boobay dalka South Africa (SAWIRRO)

Sabti, July 30, 2016 (HOL) — Dukaammo Ganacsato Soomaaliyeed ay ku lahaayeen deegaanno hoos-yimaada Magaalada Cape-town ee dalka Koonfur Afrika ayaa la boobay qaarkoodna la gubay, kaddib markii dadka deegaanka oo aad u careysan ay ku qamaameen ganacsiga Ajaanibta iyagoo ka cabanaya Dowladda Hoose ee Deegaankaas.

Iyadoo Toddobaad keliya ay ka harsan tahay Doorashooyinka Dowladaha Hoose ee Koonfur Afrika ayaa Magaalooyinka iyo Gobollada kala duwan ee Dalkaas, waxaa ka dhacaya dambiyo kala duwan oo lala xariirinayo arrimaha doorashooyinka ee diyaar-garowka loogu jira taasi oo ay xisbiyada sameeynayaan ololala la xiriira Doorashada.

Tuulada Mbkweni ee hoos tagta Degmada Paarl oo Qiyaastii 70-KM u jirta Magaalada Cape-town ayaa dadka deegaankaasi ku nool waxaa loo diiday dhul ay guryo ka dhistaan maadaama ay ku nool yihiin Guryo hoygooda liito, waxaana taas bedelkeeda ay dhigeen bannaanbaxyo arrintaasi ay uga soo hor-jeedaan taana ay sababtay in kooxo burcad ah ay ka faa’iideystaan oo ay boobeen goobaha ganacsi oo ay lahaayeen dadka Ajaanibta ah oo ay ku jiraan dukaammo ay ku ganacsadaan Muwaadiniin Soomaali ah.

Ganacsade C/raxmaan Faarax Xundubeey oo ka mid ah ganacsatada lagu boobay hantidooda dalka Koonfur Afrika, ayaa Suxufiyiinta u sheegay in goobtooda ganacsiga ay ka qaateen kaliya sharciyadii ay dalka ku joogeen isla markaana ay soo badbaadisay haweeney daris laheyd oo gurigeeda ku xareysay inta kooxaha burcada ah ay raadinayeen.

Inkastoo Dalka Koonfur Afrika oo dhan ay ka dhacayaan Rabshadaha hadana xilliyada doorashooyinka waxaa kordha falal dambiyeeyda la xariira Arrimaha Doorashooyinka sida u sheegay Muuse Muuse Afrax oo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Somali Community Board ee magaalada Cape-town.

Ugu dambeyn, Hay'adaha Amniga ee dalka Koonfur Afrika ayaa ku jira dadaal lagu xakameynayo falalka amaan-darrada ah ee awleeystadu ay ka geystaan ah ay geysanayaan waxaaana Wasaaradda booliiska ay sheegtay in gal-dacwadeedyo kala duwan laga diiwaan-geliyay saldhigyada booliska waxaana loo xil-saaray guddiyo ka kala socda lamaaha ammaanka inay baritaanno ku sameeyaan dhacdooyinkaas.

Cumar Muxumed Maxamed (Kiyow )
[email protected]
Johannesburg K/Afrika