4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2016
Ciidamo Muslimiin ah oo badan oo isaga baxay KDF

Sabti, Luuliyo 30, 2016 (HOL)-Warar qaar ka tirsan warbaahinta gudaha Kenya ay qoreyso ayaa sheegaya in boqolaal askari oo Muslimiin ah ay isaga baxeen ciidamada Kenya ee KDF shantii sano ee lasoo dhaafay.

Wararkaa ayaa sheegaya in ama ay waraaqo iscasilaad ah soo gudbiyeen amaba aysan soo gudbine ay isga baxeen ayagoon ogeysiis xataa dhiibin. Waxay sheegeen in xaaladaha shaqo ama daruufaha shaqo ee KDF ay ku adkaadeen.

Qaar ayaa sheegay in walbahaar badan ay kala kulmeen shaqadii ciidamda iyo in marmar si been abuur ah loogu eedeeyo in Al-Shabaabka ay dagaalka kula jireen ayba taabacsan yihiin.

In badan oo ka mid ah ayaa warbaahintu sheegtay in laamaha sirdoonka ee dawlada Kenya ay aad dhaqdhaqaaqooda ula socdeen-waa saraakiil u badan Muslimiin lagu eedeeyay inay xarumaha ammaanka xagjirnimo ka wadeen.

Wargeyska 'The Star' oo aan warkaan kasoo xiganay maanta ayaa sheegay inuu aad u ogaanaayo caro qotto dheer iyo kala shaki soo kala dhex galay saraakiisha darajooyinka hoose iyo kuwa sarsare.

Dadka arimaha ammaanka qaadaa dhiga ayaa ugu yeeray arinkaa sidii inuu yahay “bambo sugeysa waqti waqtigaas oo kadib ay qarxi karto”.

‘Ayagu naguma kalsoona’. Sidaa ayuu u sheegay mid ka mid ah saraakiisha iscasilay. 'Waad ogtahay saaxiiboow in dalkaan dhiranaan aanu ugu adeegno. Laakiin waa arin qalbi jab leh hadii lagugu dhajiyo astaan ah inaad tahay qof ujanjeera argagixisonimo iyo cadaw daakhili ah'. Intaa ayuu raaciyay.

“Taliyeyaasha militarigu naguma kalsoonaan karaan intaan wixii ka badan. Mar waxaa dhacday in naloo diray  magaalo xadka kutaala si aan u baacsano Al-Shabaab. Laakiin afar kale iyo aniga ayaa Nairobi nalookugu yeeray ayadoon wax sharraxaad ah laga bixin,” intaana wuu raaciyay.

Kadib ayay ogaadeen in loosoo celiyay “inaysan shaqada u qaban karayn si habboon” darteed.

Wargeyska The Star wuxuu warbixintiisa uu saaka qoray ku sheegay in markii lala xiriiray afhayeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Njoka Mwenda uu codsaday waqti dheeraad ah oo uu ku soo jawaabo.

“Kani waa arin culus. Waa inaan la xiriiro cutubyo kala duwan oo la carrabaabay,” ayuu yiri.

Waxaa sidoo kale la sheegay in dhaqdhaqaaqa booliska xabsiyada ugu waaweyn Kenya aad loola socdo-waa xabsiyada Shimo la Tewa iyo Kamiti.

Waxaa booliska xabsiyadaa ilaaliya qaar lagu eedeeyay inay xagjirnimo baraan askarta kale ee biliiska ah ee ay isku jaalka yihiin iyo maxaabiista waa sida hadalka loo dhigaye!

Talaadadii, nin biliiska ka tirsanaa ayaa waxaa qabtay booliska argagixisonimada la dagaalama kadib markii lagu soo eedeeyay inuu xiriir la leeyahay argagixiso.

Mgaciisa ayaa waxaa askarigaa la qabtay lagu sheegay Jeele ilaa hadana meel loo dhigay lama oga.

Sheekada KDF markii dib loogu laabto, qaar ka tirsan KDF ayaa lagu soo eedeeyay inay bixiyeen xog qarsoodi ciidamada u ahayd oo la xiriirta ammaanka iyo inay walciyeen dadaalada dawladu kula dagaalamayso argagixisonimada.

“Teeda kale, markii aan isku dayayno inaan shaqada isaga baxno  maadaama aan dareemeyno inaan  naloo arkin askar la halmaala kuwa kale oo diyaar u ah inay dalkooda difaacaan, ayaga [taliyeyaasha ah] waxay dhahaan waxaan shaqada uga tageynaa inaan ku biirno Al-Shabaab,” sidaa ayuu Talaadadii u sheegay wargeyska The Star askarigaa oo murugo ka muuqatay.

Ciidamada militariga looma ogola inay iscasilaan ayagoon ciidamada kujirin 10 sano. Hadii aad goosato ciqaabo dhowr ah ayaa lagu marin karaa sida in maxkamada ciidamada lagugu qaado.

Saraakiil ayaa sheegay in weerarkii Janaayo 15 ee Ceel Cadde kadib askari KDF ahaa oo Soomaali ah 'si caddaalada ka baxsan' loogu eedeeyay inuu shirqoolay askartii ay KDF ka wada tirsanaayeen ee xerada AMISOM, arintaasoo keentay geerida qiyaastii 200 oo askari waa sida The Star saaka lagu daabacaye.

“In badan oo anaga ah ayaa furinta hore jooga oo difaacaya ummadaan. Hawlgaladii ugu khatarta badnaa ayaanu ka qeyb qaadanay gudaha Soomaaliya hadii aan tusaale soo qaato. Laakiin waxaa nalooka shakinayaa inaan xiriir la leenahay argagixiso. Arintani uma fiicna ciidamada,” ayuu yiri.

'Masaajid ku dhex yaala xero weyn oo militari oo caasimada dhexdeeda ah waa lala socdaa oo kormeer ayaa lagu hayaa khudbadaha laga jeediyana aad ayaa loo dhageystaa', ayuu yiri.

“Hab dhaqanka noocaa ah ma horumarinaayo danaha dalkaan. Wuxuu un dhalaa ammaan darro wuxuuna abuuraa daldaloolo liddi ku ah dagaalka lagula jiro cadawga,” ayuu yiri.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi, Kenya.
[email protected]