4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 29, 2016
Rag Hubeysan oo Askar ku dishay Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan


Jimco, July 29, 2016 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Halgan oo Qiyaastii 75-KM  dhinaca koonfur kaga beegan magaalada Beledweyne, ayaa sheegaya in rag hubeysan ku dileen labo askari oo ka tirsanaa ciidammada dowladda Soomaaliya.

Warka arintan ku saabsan waxaa HOL u sheegay mas'uuliyiiin ka tirsan maamulka deegaanka iyo dad kale oo madaxbanaan, waxaana wararku intaa ku darrayaan in askartan la toogtay xili ay ku sugnaayeen bartamaha deegaanka.

Ma jirto cid loo soo qabtay dilka labadan askari ee ka tirsanaa dowladda, madaama ay goobta ka baxsadeen raggii dilka fuliyay.

Deegaanka Halgan ayaa lagu xasuustaan weerarkii horaantii bishii Juun ee sanadkan ku dhaxmaray xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo ciidammada dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya