4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 29, 2016
UNHCR oo ku celisay Soomaaliya qaxooti gaaraya 18 kun laga soo bilaabo Disembar 2014

Jimco, Luuliyo 29, 2016 (HOL)-Hayada QM ee qaxootiga ee UNHCR ayaa laga soo bilaabo bishii Disembar ee 2014 ilaa hada oo aan warbixintaan qoreyno ku celisay ugu yaraan 18 kun oo qaxooti ahaa Soomaaliya.

Qaxootigaa Soomaalida ahaa ayaa kunoolaa Kenya gaar ahaan xeryha Dhadhaab. Tirada qaxootigaa ah ee rasmiga ah ayaa haatan gaarsiisan 18278.

Sanadkaan kaliya inta Soomaaliya lagu celiyay ee qaxootigaa ka tirsanaa waa 12177.  Luuliyo 1-15 waxaa UNHCR dib ugu celisay Soomaaliya qaxooti dhan  1278.

' Ilaa 1128 qaxootigaa ah ayaa dhulka gawaari ku maray ilaa Soomaaliya halka 150 qof diyaarad lagu geeyay Muqdisho'. UNHCR ayaa sidaa tiri.

UNHCR ayaa Khamiistii shalay ahayd codsatay ilaa $115.4 oo ay ku celinayso qaxootiga Dhadhaab ilaa Soomaaliya.

Qaxootiga Soomaalida ah ayaa kunoolaa Kenya laga soo bilaabo 1991 markii dawladii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi, Kenya
[email protected]