4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 29, 2016
Xildhibaanada Kenya qaarkood oo dalbaday in la furo xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya

Jimco, Luuliyo 29, 2016 (HOL)-Qaar ka tirsan xildhibaanada Kenya ayaa ka dalbaday dawlada Kenya in la furo xadka Kenya iyo Soomaaliya u dhexeeya oo muddo xirnaa haatan.

Xildhibaanadaa ayaa ka soo jeeda gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari.

Xildhibaanka Bariga Wajeer, Cabbaas Sheekh Maxamed ayaa dawlada Kenya ka codsaday inay furto xadka labada dal u dhexeeya oo ay in muddo ah xirtay iminkana xiran si ganacsiga labada dal u dhexeeya uu u kobco.

Wuxuu intaa ku daray Cabbaas in alaabada koontabaanka ah ay soo bateen kadib markii xadkaa la xiray.

'Arintaan ayaa dakhli dalka soo galinaysa. Sidoo kale waxay ka hortagaysaa soo galinta alaabada koontarabaanka ah,” ayuu yiri xildhibaanku.

Haatan ayuu sheegay Xildhibaan Cabbaas in rasmi ahaan uu xadku xiran yahay balse alaabada si qarsoodi ah lagu soo galiyo Kenya.

Alaabo iyo badeecooyin badan oo ay kujiraan sonkor iyo dhar ayaa Soomaaliya dhankeeda kasoo gala Kenya.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa wadaaga xad dheer oo gaarsiisan 800km kaasoo ka bilowda min Kiunga oo degmada Lamu dhacda ilaa Mandheera.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi, Kenya
[email protected]