4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 29, 2016
Cayaarihii K.Cagta ee Somaliweek Canada oo wareeg-ga afar dhamaadka Maraya iyo Finalka oo Axad-da Dhacaya (SAWIRRO)

Jimco, July 29, 2016 (HOL) —Cayaarihii Kubadda Cagta ee SomaliWeek ayaa si habsami leh uga socda magaalada Toronto ee dalka Canada ,iyadoo bartanka looga jiro xuska todobaadka dhaqanka ee Soomaalida Canada oo maalmo ka hor ka furmay qaybo kamid ah dalkaas.

Kulamo kubadda cagta ah oo lagu xusayo munaasbaddan ayaa maalmihii la soo dhaafay qabsoomay ,waxaana wareeg-ga is-reeb reebka koobkan u soo baxay kooxaha kala ah Minnesota Tigers iyo Ottawa FC  ,kuwaasi oo ka soo kala badiyay Hilaac (Toronto) iyo Olympia 808.

Ciyaaraha maanta loo balan-sanyahay in ay dhacaan ayaa dhex-mari doona afar kooxood oo xifaaltan adagi uu ka dhaxeeyo ,waxaana ay isku arki doonaan sidan: SEIF Vs MN Twins iyo waliba BENAADIR Vs. N. LONDON.

Taageerayaal badan oo isugu jira Somalida Canada iyo ajaanib kale ayaa lagu wada in ay usoo daawasho tagaan ciyaarahan oo xiisa gaar ah xanbaarsan ,iyadoo ciyaar-yahanno horey uga soo ciyaaray Somalia ay sidoo kale imaan doonaan si ay u daawadaan kulamadan.

Ugu danbayn, ciyaarta kama danbaysta ah ee Finalka ayaa waxaa wada-ciyaari doona labada kooxood ee soo badiya ,waxaana la qorsheeyay in maalinta Axadda ah la qabto kulanka Finalka oo si aad ah loo wada- sugayo.

Faysal M.Hassan
[email protected]