4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 29, 2016
Madaxweynaha dalka Mareykanka Obama oo ku baaqay in Madaxweyne loo doorto Hillary Clinton


Jimco, July 29, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa sharxay Sababta uu u Maleynayo in Hillary Clinton ay Mudan tahay in ay Xafiiska kala wareegto bisha Jannaayo, isaga oo sheegay inuusan jirin nin ama haweeney uga diyaarsan Hillary xilka madaxtinimada.

Khudbad uu ka jeeday shirweynaha guud ee Dimoqraadiga ee ka socda magaalada Philadelphia ayuu Barack Obama ku sheegay in Hillary Clinton ay tahay qof Aaminsan in wadanka uu wanaagsan yahay marka dadka midab-bada kala duwan ay isku yimaadaan oo ay mid noqdo.

"Sanadkan waxaan idin weydiisanayaa inaad igula soo biirtaan inaan iska diidno cabsi gelinta, oo aan doorano waxa noo wanaagsan oo ah in Hillary ay noqoto madaxweynaha xiga ee Mareykanka" ayuu yiri Obama.

Waxa uu sheegay in Hillary ay haysato khibrad ku filan inay dalka ku hogaamiso, si ka duwan musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in shirkii jamhuuriga ee toddobaadkii tagay ka dhacay magaalada Cleveland aan lagu soo bandhigin wax xal ah, hase yeeshee uu ahaa "Carro, eedeyn iyo nacyeb".

Hoggaamiyaysasha ka hadlay shirka waxaa sidoo kale ka mid ahaa Madaxweyne ku xigeenka xilku kasii dhammaanayo Joe Biden iyo musharraxa ay Hillary Clinton u xulatay Madaxweyne ku xigeenka Tim Kaine.

Xigasho: VOA Somali

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya