4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 29, 2016
Jabhada Al-nusra ee Suuriya oo xiriirka u jartay Alqaacida

Jimco, Luuliyo 29, 2016 (HOL)-Jabhada Al-nusra oo ka mid ah jabhadaha ka dagaalama Suuriya ayaa shaacisay inay xiriirka u jartay Alqaacida.

Alqaacida oo ah jabhadii uu hoggaamin jiray Cusaama bin Laden ayay xiriir lahaayeen Al-nusra. Al-nusra ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay magaceeda u badashay Jahat Fatax Al-shaam oo la macno ah jabhada furashada Suuriya. 

Abu Maxamed Algolani oo ah hoggaamiyaha kooxdaa ayaa sheegay in tani meesha ka saareyso cudurdaarka reer galbeedka iyo quwadaha kale ee shisheeye u adeegsadaan inay duqeeyaan Suuriya.

Si kastaba, afhayeen u hadlay dawlada Mareykanka ayaa sheegay inay duqeynta ay ku hayaan Suuriya sii socon doonto xataa kadib marka ay Al-nusra ka baxday Alqaacida.

Dalka Suuriya ayaa waxaa ku hardamaayay kooxo hubeysan muddo ka badan shan sano kuwaasoo ujeedkooda aan la garanayn saxda ah.

Waxaa ku hoobtay maatadii iyo rayidkii dalkaa ayadoo maalin walba ay dirirta socota dhexda u galaan deedna ay ku dhintaan, ku naafoobaan macaluul ama majaacana ay halkaa ku leyso.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]