4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 29, 2016
Wasiirada Arimaha Haweenka ee Soomaaliya oo olole ka wada Puntland



Jimco, Luuliyo 29, 2016 (HOL)-Wasiirada Wasaarada Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ee dawlada federaalka ah ee Soomaaliya, Sahra Maxamed Cali Samantar ayaa olole ka wada gudaha Puntland.

Ololehaa ayaa waxay ku dooneysaa inay ku dhiirigaliso dadka dalka qeybihiisa kala duwan ugu horeyna Puntland sidii dumarku ay u heli lahaayeen 30% kuraasta baarlamaanka ee dawlada xigta.

Kadib safarka Puntland waxaa wasiirada iyo wafdi ay hoggaaminayso ay olole noocaa ah ku baahin doonaan dhammaan maamul goboleedyada kale ee dalka.

Waxay sidoo kale ayada iyo wafdigeedu dadka ku dhiirinayaan sidii dawlada ay qeybtaa boqolkiiba soddonka ah uga heli lahaayeen kasokow baarlamaanka. Waxay doonayaan ayaa ah in dhammaan dumarka dalku ay kunaaloodaan qoondo sax ah.

Waxay warbaahinta u sheegtay ayadoo joogta Garowe, xarunta Puntland inaysan dhici doonin sidii dhacday sanadkii 2012 markii dawlada hada jirta lasoo dhisaayay balse dawlada soo socata dumarku ay qoondo wanaagsan ka heli doonaan.

Waxay kaloo sheegtay in damarku wax badan hoggaanka dalka ay kusoo kordhin karaan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]