4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 28, 2016
Gudoomiyaha Ganacsatada Gobolka Sool oo lagu Dhaawacay Magaalada Laascaanood


Khamiis, July 28, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Ganacsatada Gobolka Sool, ahna Madaxa Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom, C/risaaq Axmed Warsame [Dhabayaco], ayaa Dhabarka laga toogtey Waqti uu kasoo baxay Salaaddii Maqrib.

Isbitaalka Manhal ee degmada Laascaanood ayaa lagu dabiibayaa, waxayna ay sheegayaan maamulka
isbitaalkaasi inuu sahlan yahay dhaawiciisa, welina ay daaweynayaan.

Dad ka dhawaa goobta lagu dhaawacay C/risaaq Dhabayaco ayaa sheegay in hal Xabo ay ku dhacday, iyagoo raaciyay, in ay Kooxaha dhaawacay ka Daba-yimaadeen - isagoo kusii socda xafiiska shirkada TTELESOM ee magaalada Laascaanood.

Ciidanka Booliska, ayaa billaabeen hawlgalo ay ku baadi-goobayaan ciddii dhaawaca dhibbanahan ka dambeysay, sida uu HOL u sheegay, Sayid Jaamac C/laahi Madaxa Hogaanka Dhismaha Booliska oo Maalmihii la soo dhaafay Hawlo Amaanka la xiriira u joogay Gobolka Sool, Waxaanu intaas ku daray inay dadka falkan ka danbeeyey ay ahaayeen saddex dhallinyaro ah.

Wixii kasoo kordha waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool