4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 28, 2016
Ciidanka Somaliland oo Xabsiga Dhigay Maanta Mid ka mid ah Madaxda dhaqanka Somaliland


Khamiis, July 28, 2016 (HOL) — Ciidamada Amniga Somaliland, ayaa maanta xabsiga magaaladda Hargeysa u taxaabay Suldaan Cali Saleeban Maxamed (Cali Qanjo) oo ka mid ah Madax-dhameedka Somaliland, gaar ahaan gobolka Saaxil.

Ciidanka amniga Somaliland ayaa sheegay in suldaanku dambi uu faraha kula jiray, isla markaana uu wadday kicin dadweyne, waxaanay sheegeen in baadhitaan lagu hayo eedahaasi lagu soo oogay.

Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland Faysal Xiis ayaa warbaahinta u xaqiijiyey xadhiga Suldaankaasi, waxaanu sheegay in lagu soo eedeeyey falal amniga khatar ku ah iyo kicin dadweyne.

"Ciidanka Boolisku waxay soo xidheen Suldaan Cali Saleebaan Maxamed (Cali Qanjo), suldaankan waxa lagu eedeeyey inuu waday kicin iyo arrimo nabadgalyadda liddi ku ah"ayuu yidhi Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Faysal Xiis oo warbaahinta la hadlay.

Faysal Xiis ayaa sheegay in wakhtigii la qabanayey uu gacanta kula jiray arrimo nabadgalyadda khatar ku ah, isagoo sharciyada uu ku soo xidhay difaacayana waxa uu yidhi " Falal nabadgalyadda khatar ku ah ayuu ku kacay, isago dambiga faraha kula jiray, Suldaankaasi markii ciidanku soo qabanayeen wuxuu kaga hor yimid amar diiddo, nasiib wanaag si nabadgalyo ah ayaa lagu soo xidhay, imikana wuu xidhan yahay, Suldaankaasi dambigiisa waa la baadhayaa wixii ka soo baxa dib baanu idinku soo sheegi doonnaa,waxaana lagu eedeeyey falal amniga khatar ku ah iyo Kicin dadweyne ku kacay, si degdeg ah ayaana maxkamadda la hor geyn doonaa, sifo sharciga waafaqsan ayaana lagu soo xidhay".

Si kastaba ha ahaatee, Suldaanka ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa madax dhaqameed iyo waxgarad dhowaan shaaciyey shir beeleed ka dhacayey gobolka Saaxil oo beelaha dega ka arrinsanayeen arrimo iyaga khuseeyo.

Waxaanu wararku intaas ku darayeen in gaadiid ay ku dhajisnaayeen waraaqo lagu soo bandhigayey qabsoomidda shirkaasi ka dhacayey gobolka Saaxil lagu xidh xidhay magaaladda Berbera.

Odayaasha gobolka Saaxil dega ayaa sheegay in shirkaasi beeshoodu yahay mid lagu xoojinayo nabadgalyadda, isla markaana lagaga arrinsanayo arrimo beeshoodda khuseeya, haseyeeshee xukuumadda ayaan ogolayn shirkaasi oo u arka in laga soo saari karo arrimo liddi ku ah maalgalinta dekadda Berbera, taas oo ay xoog iyo xeeladba iskugu gaysay in aanu shirkaaasi qabsoomin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland