4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2016
Golaha Wasiirrada Somaliland oo Meel-mariyay Heshiiskii Dekedda Degmada Berbera (SAWIRO)

Khamiis, July 28, 2016 (HOL) — Shirkii golaha Wasiirada Somaliland ee maanta ayaa lagaga dooday heshiishka maalgashiga dekadda Berbera ee xukuumadda la gashay shirkada Dp Wolrd ee Imaaraadka Carabta,isla markaana Duuduub lagu meel mariyey heshiishkaasi, iyadoo dhawaana loo gudbin doono Baarlamaanka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxweynaha Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax), ayaa lagu sheegay in qodobadda lagaga dooday uu u jiray heshiishka maalgalinta dekada Berbera.

Shirkan oo uu gudoominayey Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, kuna weheliyeyna Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabduraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa intoodda badnaa ka soo qada qaybgaleen ayaa la sheegay in lagu falanqeeyey qodobkaasi maalgalinta dekadda Berbera.

Wasiiradddii ka qaybgalay wada hadalkii shirkadda DP Wolrd iyo xukuumadda Somaliland ayaa ka warbixyey heshiishka maalgashiga dekadda Berbera ee ay wada saxeexdeen shirkadaasi.

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo ku hadlayey afka xubnaha wasiirada ee hashiiska u qaabilsanaa dawladda, ayaa sheegay in dib u dhiska iyo balaadhinta Dekadda Magaalada Berbera ay u soo tartameen sideed shirkadood oo caalami ah, waxaanu sheegay in ugu dambeyntii isku soo hadheen shirkadda Dp Wolrd ee Imaaraadka Carabta iyo Shirkadda Faransiiska ee Blore.

Wasiirku wuxuu sheegay in shirkada DP World ee dalka imaaraadka ay tahay tan ay Somaliland ugu jirto maslaxadda iyo faa’iidada ugu badani, sidaana ay ku qaadday inay noqoto shirkadda si kama dambaysa ah loola gelayo heshiiska, iyadoo shirkadihii kalena si cad loogu sheegay in ay Somaliland qaadatay inay heshiiska la gasho DP World.

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo sharaxaya waxay ku heshiiyeen shirkadda DP World, waxa uu yidhi :-

Ø . In aanay jirin haba-yaraatee deked la wareejinayo ama la iibinayo, balse dekedda dalku leeyahay weligiina lahaan doono, balse heshiisku yahay in muddo cayiman la kireeyey dekeda taasina tahay wax caalamka ka dhaca oo dawladaha dhex mara.

Ø . In Markii dhinac walba laga eegay heshiiskaasi faa’iidadiisa weyni ay helayaan shacbiga Somaliland, faa’iidadaas oo ka badan ta ay ka helayso DP World, hase ahaatee shirkaduna dhinaceeda ay helayso faa’iido, markaana labada dhinacba ay dani ugu jirto.

Ø. In aanay jirin waddo kale oo aynu marno oo aynu ku dhisano dekedeena, madaama aynaan heli Karin deyn ama amaah aan ku dhisano iyo deeq deked dhista oo layna siinayo

Ø . In dekeda Berbera iyo dekeda Cadan ay markii hore ahaayeen labada dekedood ee ugu caansan marin biyoodka Gacanka Cadmeed, balse maanta ay yihiin kuwa ugu dambeeya, haddii aynu imika wax ka qaban waynana aanu wakhtigu ina sugayn, taasina ay tahay sababaha ugu weyn ee aynu heshiiskan u galnay

Ø. In shirkada DP World noqotay shirkada hantida ugu badan gelinaysa dekeda taasoo dhan 442Milyuun oo doolar, muddada kirada oo ah 30 sanadood ay tahay mudada ugu macquulsan ee heshiis noocan ah la geli karo, sida ay sheegeen sharci yaqaanadu.

Ø . In 12 bilood gudohood oo ka bilaabma maalinta heshiiskaasi si kama dambays ah loo saxeexo, saxeexaas oo dhacaya wiiga ugu horeeya ee bisha inagu soo fool leh lagu dhiso deked cusub oo baaxadeedu tahay 400M, ilaa dekedda cusub la dhisana aan dekedii hore la taabanayn.

Ø. In dekeda cusub ka dib la gelayo casriyeynta iyo balaadhinta dekeda hore.

Ø . In deked saddexaad la dhisi doono oo iyana baaxadeedu dhan tahay 400M, marka 75% ay shaqada labada dekedood ee hore hirgalaan.

Ø. In Shaqaalaha hadda jooga dekedu ay sidooda u sii wadan doonaan shaqada, oo weliba tiradoodu sii kordhi doonta marba marka ka dambaysa oo halka ay imika ka yihiin 840 ay noqon doonaan ilaa 3,000 oo marka saddexda dekadoodba shaqeeyaan.

Ø . In dawladda Imaaraadka Carabtu gaar ahaan shirkada DP World ay qayb weyn ka qaadanayso dhismaha jidka isku xidhaya Somaliland iyo Itoobiya.

Ø . In ujeeddada shirkada DP World ay ka leedahay heshiiskan ay tahay inay gaadho dadka boqolka malyuun ku dhaw ee itoobiya, isla markaana ay itoobiya aad u danaynayso in badeecadaha ay dhoofiso iyo kuwa ay soo dejisaba, qaybo ka mida jeceshay inay soo marto Somaliland, sidaa awgeedna ay caddaysay Itoobiya inay soo dhawaynayso heshiiska dhexmaray Somaliland iyo DP World.

Ø . In faa’iidooyin badan oo kale oo ay ka mid yihiin waxka qabashada dhinaca korantada, beeraha, ay Somaliland ugu jiraan taabo galka heshiiskaasi.

Ø . In shaqaale reer Somaliland ahi ay u shaqo tegi doonaan dalka imaaraadka carabta.

Ø . In xarun ganacsi laga sameeyo Somaliland taasoo shaqaalayn ay ka helidoonaan shacbiga Somaliland, kuna dhiirrisay labada dhinac heshiiskaa.

Ø. Waxa jiray faa’iidooyin badan oo kale oo Somaliland ugu jira heshiiskaasi.

Intaas ka dib, waxay golaha wasiiraddu duuduub ku ansixiyeen heshiishkaasi lagu maalgalinayo Dekadda Berbera ee dhexmaray Somaliland iyo Shirkadda DP Wolrd.

Waxaana golaha Wasiiradda ka dib loo gudbin doonaa Baarlamaanka Somalilnad, kuwaas oo ka doodi doonaa, isla markaana qiimeyn doona heshiishkani inuu dan u leeyahay Somaliland iyo in kale .

Haseyeeshee, dadka deegaanka Berbera ayaa iyagu ka walaacsan in shaqaalaha hadda ka shaqeeya suurogal tahay in shirkaddu dhinto, taasina waxay abuurtay in dadka deegaanku ka soo horjeestaan heshiishkaasi, iyagoo ku baaqay in shirkadda DP Wolrd dekad kale oo cusub dhisto, haddii kale aanay ogolaan doonin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland