4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 28, 2016
Khilaaf ka dhax-taagan Maamulka Degmada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan


Khamiis, July 28, 2016 (HOL) — Maamulka Magaalada Beledweyne ee Gobolka  Hiiraan, Gaar ahaan guddoomiyaha degmada Maxamed Cismaan Cabdi Qalaafoow iyo ku xigeenkiisa dhinaca Maaliyadda, Muuse Cabdi Daahiye ayaa waxaa xiligan ka dhax jiran khilaaf xoogan oo markii ugu horeysay dibada u soo shaac-baxay.

Xubno ka tirsan maamulka degmada ayaa HOL u sheegay in labadan mas'uul isku hayaan cida dhab ahaan ay tahay inay maamusho dhaqaalaha degmada, taasoo sababtay in ciidan kala Taabacsan labada dhinac ku sigtaan in iska horimaad ku dhaxmaro xarunta degmada.

Ugu dambeyntii, Mid ka mid ah shaqaalaha Maamulka, ayaa sheegay in mudaba uu soo jiitamayay khliaafka u dhaxeeya maamulka degmada, hasse ahaatee la oran karo waa markii ugu horeysay oo khilaafkani uu gaaro in ciidamada labada mas'uul hub isku qaataan.

Hiiraan Online, News Desk