4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 28, 2016
SAWIRO: Iftin Bank oo dhisme cusub ka furatay Garowe iyo Madaxweyne Gaas oo xariga ka jaray

Khamiis, July 28, 2016 (HOL) —Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Xariga ka jaray dhisme cusub oo uu Bangiga Iftin ka hirgeliyey magaalada Garoowe, kaasi oo dhismihiisa ay muddo socotay.

Munaasabadda Xarig jarka ayaa lagu qabtey Magaalada Garowe waxaana ka so qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, maamulka Bangiga Iftin, Ganacsato iyo Qurbe Joog ka kala timi daafaha Caalamka, kuwaasi oo sida la sheegay dalka ugu soo laabtay sidii ay fursado maal-gashi u abuuri lahaayeen.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ku ammaanay maamulka Bangiga Iftiin horumarka uu kusoo kordhiyey gobolka,isaga oo ganacsatada kale ugu baaqay inay Dalka Maalgashadaan.

Sidoo kale,Madaxweynaha Puntland  ayaa Maamulka Iftin Bank ku boorriyey in ay soo kordhiyaan adeegyo dheeraad ah oo dalka looga baahan yahay ,waxaana uu sheegay in Dhismaha bangi-gan cusub ay yaranayso shaqo la'aanta haysata qaar kamid ah dhalinyarada Soomaliyeed.


Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland ayaa ka so qayb-galayaasha Muaasabad-dan kula codsaday in ay dhistaan dalka ,taasi oo uu sheegay in ay sahlayso in la helo adeegyo badan oo aan horey uga jirin gudah wadanka.

Abaadir Cabdulqaadir Cilmi
[email protected]
Somalia ,Garowe