4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 28, 2016
Kulan looga hadlayo Doorashooyinka Somalia oo ka Soconaya Dalka Koonfur Afrika (SAWIRRO)


Khamiis, July 28, 2016 (HOL) — Shirkan oo loogu hadlayo doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan Soomaaliya oo uu qabtay Mahcadka baarista ee Human Sciences Research Council, ayaa lagu qabtay Magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika, Waxaana ka Qayb-galay Wafdi ka socda Soomaaliya.

Xubnaha shirkan uga qaybgalaya Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah; Mudane Faarax Sheekh C/qaadir oo ka tirsan baarlamaanka Somalia, Safiirka Somalia ee Koonfur Afrika, Jamaal Maxamed Barrow, Xubno Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika matalaya, kuwo ka socay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee dalka Koonfur Afrika iyo Aqoonyahanno Koonfur Afirkaan ah.

Kulanka oo ay khudbado ka jeediyeen xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir iyo Danjire Jamaal Barrow, ayaa waxay uga hadleen xaaladaha Somalia iyo inay doorashooyinkii hore ee dalka ka dhacay iyo tan haatan la filayo Waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin, iyagoo sheegay in Soomaaliya ay ka soo kabanayso burburkii iyo dowlad la'aantii muddadada dheer soo jirtay.

"Labaatan Sano kaddib, Soomaaliya hadda waxay dib u yeelatay Bangi dhexe kaasoo u shaqeeeya sida bangiyada caalamiga ah. Dhinaca kale, Soomaaliya waxay dib ugu soo laabtay qurbo-joogtii dibadaha ku maqnaa, kuwaasoo ah kuwo doonaya inay ka qayb-qaataan dib u dhiska dalka," ayuu yiri Danjiraha.

Sidoo kale, Xildhibaan Farax Sh. C/qaadir ayaa isagana sheegay in dowladihii hore ee KMG-ka ahaa lagu soo dooran jiray meelo ka baxsan Somalia, balse hadda horumar badan laga sameeyay oo ay doorashada ka dhici doonta inta badan maamul-goboleedyada Soomaaliya iyo caasimadda.

"Waxaan socda waddadii lagu gaari lahaa sannada 2020-ka inay Somalia ka dhacdo doorasho codeyn ah , balse caqabadaha naga haysta doorashooyinka ayaa ah inay dadka aqoon durugsan u lahayn doorashada. Doorashadii hore ee 2012-ka waxaa soo doortay 275-xildhibaan balse hadda waxaan wadnaa in illaa 14,000 oo qofood ay doorasho samayeen, taasna waa mid ku dayasho mudan," ayuu yiri Xildhibaan Faarax C/qaadir.

Dhanka kale, Mudanaha oo la kulmay qaar ka tirsan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalooyinka Johannnseburg iyo Pretoria ayaa sheegay in ugu sido fariin Madaxweynaha Somalia, taasoo ah in la doonayo in la gado guri ay leedahay Safaaradda Soomaaliya, iibintiisana la doonayo inay Jaaliyaddu qaybtooda ka qaataan.

Ugu dambeyn, Shirka wuxuu sidoo kale ka dhici doonaa magaalooyinka Cape Town iyo Durban ee Dalka Koonfur Afrika.

Cumar Muxumed Maxamed (Kiyow )
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika