4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 28, 2016
SAWIRO: Siilaanyo oo go'aamin doona Qaybsiga Kuraasta Baarlamaanka ee lagu Heshiin Waayay

Khamiis, July 28, 2016 (HOL) — Hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi ee Somaliland, ayaa isku mari waayey inay go’aan ka gaadhaan saami qaybsiga kuraasta golaha Baarlamaanka oo cabasho weyni ka jirto gobolada iyo beelaha qaarkood.

Madaxweynaha ayaa sadexda xisbi isku soo dhaafiyey inay ka xaalaan qaabka loo qaybsanayo kuraasta xildhibaanadda, haseyeeshee muddooyin u dambeeyey oo ay ka shirayaan qaabka loo qaybsanayo iyo sidii xeerka xildhibaanada golaha Wakiiladda loo dhamaystiri lahaa, maadaama oo xeerkani ahaa mid qabyo ah oo wakhtigii doorashadda lagu galay ee 2005-kii la isku afgartay in hal mar uun xeerkaasi la isticmaalo.

Haseyeeshee, saddexda xisbi oo afar kulan ka yeeshay xal u helidda qodobkan ayaa wax xal ka soo saari kari waayey, maadaama oo qodobkani yahay mid xasaasi ah oo muddo badana soo jiitamayey waxa laga yeelayo saami qaybsiga kuraasta Wakiilada oo goboladda iyo beelaha qaarba cabanayaan qaabka uu hadda ku dhisan yahay.

Kulankii u dambeeyey ee shalay ayaa la isku afgartay in madaxweynuhu go’aan ka gaadho, isla markaana sadexda xisbi ku qancaan go’aanka madaxweynaha, maadaama oo xisbiyaddu ku heshiin waayeen, waxaana markhaati iyo goobjooga looga dhigay heshiishka saddexda xisbi Daladda aan dawladdiga ahayn ee SONSAF iyo Acadamiga Nabadda oo iyadu gogoshii lagu wada hadlayey u dhigtay xisbiyadda.

Kulankii saddexda xisbi ayaa laga soo saaray saddex qodob oo lagu heshiiyey, waxaanay saddexda qodob kala ahaayeen kuwan hoos ku qoran:

Qodobbada Heshiiska oo ka koobnaa Saddex ayaa kala ahaa;

1. in arrinta saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiillada dib loogu celiyo madaxweynaha Somaliland, isla markaana madaxweynuhu go'aan kama dambays ah ka gaadho arrinta saami-qaybsiga kuraasta Golaha wakiillada iyo doorashada golaha wakiillada ee qorshaysan inay qabsoonto bisha march 2017-ka.

2. waxa la isla qaatay in saddexda xisbi u hogaansamaan go'aanka uu madaxweynuhu gaadho ee khuseeya arrinta saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiillada Somaliland.

3. in Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta iyo dallada ururrada Bulshada(SONSAF) ay ku ilaaliyaan saddexda xisbi-qaran fulinta qoddobada lagu heshiiyey.

Madaxweynaha ayaa hadda arrinkaasi hortaalla, waxaana la eegaya go’aanka uu ka soo saara oo doorashadda lagu gali doonnaa, inkastoo madaxweynuhu aanu doonayn in arrintaasi ka go’aan gaadho, haseyeeshee saddexda xisbi ayaa markii ay ku heshiin waayeen isla af gartay in madaxweynaha u gudbiyaan si uu isagu go’aan uga gaadho, waxaanay ku heshiiyeen in go’aankaasi lagu wada qanco.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland