4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 28, 2016
Dhaq-dhaqaaqa Black lives Matter oo Qorshaynaya Dibad-baxyo ka dhan ah Booliska Canada kadib Geeridii C/raxman Cabdi

/images/2016/July/ 

Khamiis, July 28, 2016 (HOL) — Hay’adaha u dooda Insaaniyadda ee dalka Canada ayaa walaac xoogan ka muujiyay geerida Cabduraxman Cabdi  oo 37- sano jir ahaa ,iyadoo ay isa- soo tarayaan shakiga laga muujinayo sida ay booliska Canada ugu lug yeelan karaan geeridiisa.

Marxuumkan ayaa la sheegay in xubno ka tirsan booliska ay si xun u jir-dileen ,waxaana muuqaalka la soo galiyay mareeg-yada bulshada uu muujiynayaa Cabduraxman oo wajiga dhulka loo dhigay ,isla markaana si aad ah u dhiig-baxaya ka hor inta ay soo gaarin kooxaha caafimaadka.
/images/2016/July/Cabduraxmaan Cabdi oo ahaa 37-sano jir ayaa boolisku ay sheegeen in uu qabay xanuunka Dhimirka.


Inkastoo dhacdooyinkan ay aad ugu yar-yihiin gudaha Canada ayaa hadana wadanka la dariska ah ee Maraykanka waxaa ka dhacayay dilal ku salaysan isirka oo ay laamaha boolisku kula kaceen dad madow ah ,taasi oo markii danbe keentay dibad-baxyo iyo isku-dhacyo khasaare sababay.

Booliska Ontario ayaa bilaabay baaritaano waqtigoodi laga soo hor-mariyay ,waxaana Naciimo Cali oo ka tirsan qoyska marxuumka ay sheegtay in Cabdiraxmaan uu geeriyooday 45 daqiiqo ka hor intii aan isbitaalka la keenin ,taasi oo sii abuurtay shaki hor leh.

Naciim Maalik oo isna ah madaxweynaha midowga muslimiinta Ottowa ayaa sheegay in uu si joogta ah Cabdi iyo walaalki ugu arki jiray masaajidka ,isla markaana uu ahaa qof hadal jilicsan,isaga oo tilmaamay in uusan ka war-haynin xanuunka dhimarka ah ee lagu sheegay.

Waxa uu ahaa mid aan howl-laha qaar sidii loogu-tala galay u qaban ,waxaana laga yaabaa in ay jirto dhibaato uu ku qabay dhinaca hadalka “ ayuu yiri Maalik oo lagu wado in uu ka qayb-galo isku soo bax ka dhici doona Ottowa kaasi oo ay ka soo qayb-gali doonaan dad kor udhaafaya ilaa 200 qof.

Amira Elghawaby oo iyadana kamid ah madaxda ururka muslimiinta Canada ayaa sheegtay in ay jiraan jawaabo looga baahan-yahay laamaha dowladda oo la xiriira in falkan uu la xiriiray isir nacayb iyo in kale

Ugu danbayn ,geerida Cabdi ayaa imaanaysa ,iyadoo Dhaq-dhaqaaqa u dooda madowga ee (Black Lives Matter)  uu ku sii faafayo gudaha dalkaasi ,waxaana sanadkii hore sidan oo kale gacanta booliska ugu geeriyooday Andrew Loku oo ahaa madow ka soo jeeda dalka Suudaan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]