4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 28, 2016
SAWIRRO: Siminnaar lagu Baranayay Nafaqada oo lagu Qabtay Xarunta Jaamacadda Banaadir

Khamiis, July 28, 2016 (HOL) — Waxaa Gelinkii dambe ee shalay Xarunta Jaamacadda Banaadir ee Muqdisho lagu qabtay Tababbar lagu baranayay Nafaqada (Nutrion) iyo Dhibaatooyinka ay leedahay nafaqo darada (Malnutrion), kaasoo ay soo abaabuleen maamulka kuliyadda culuunta Caafimaadka ee Jaamacadan.

Tababarkan ayaa waxaa loo qabtay boqolaal arday oo isugu jira kuwa wax ka barta kuliyadda Culuunta Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir iyo arday cusub oo isu diyaarineysa iney sanad dugsiyeedkan cusub ka mid noqdaan ardayda kuliyaddan.

Casharo ku saabsan nafaqada iyo nafaqo darada ayaa waxaa seminaarkan ka bixiyey dhaqaatiir iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo khabiir ku ah mowduucan, kuwaasoo kala ahaa Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) iyo Mr. C/llaahi Nuur Aadan.

Ku-xigeenka hormuudka kuliyadda Culuunta Caafimaadka ee jaamacada Banaadir Maxamed Axmed Calasow oo hadal furitaan ah ka jeediyey munaasabadan ayaa sheegay in seminaarkan uu gogol-xaar u yahay barashada maadada cilmiga nafaqada (Nutrion) oo sanadkan lagu soo kordhiyey kuliyada culuunta Caafimaadka jaamacada Banaadir, taasoo uu xusay in lagu bixin doono hal sano oo dibloma ah, waxaana iska diiwaan geliyey ayuu yiri arday fara badan, iyadoo duruustuna ay bilaaban doonto bilowga sanad dugsiyeedka cusub ee 2016-2017 oo si rasmi ah u furmaya bisha oo socota ee Septembar.

Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) oo ka mid ahaa macalimiinta casharada ka bixinayey seminaarkan ayaa sharaxaad ka bixiyey nafaqo darada iyo saameynta ay ku yeelato caafimaadka qofka.

"Nafaqo-darradu waa qofka oo si joogto ah u heli waayo raashiinka isku dheeli tiran ee jirkiisu u baahan yahay, waxaana qofka ay hesho uu u nugul yahay cuduro badan oo caafimaadkiisa dhibaatooyin u geysan kara" ayuu yiri Dr. Fuje oo ku dheeraaday noocyada raashiinka ay tahay inuu qofku si joogto ah u helo si nafaqo daro aysan u helin, isagoo si weyn u faaqiday noocyada nafaqo darada, waxyaabaha keena iyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo.

Sidoo kale, Mr. C/llaahi Nuur Aadan ayaa isna ka hadlay xaaladaha nafaqo daro ee ka jira Soomaaliya iyo sahanka ay illaa hadda heyadahaa caalamiga ah ee qaabilsan arintaas ka sameeyeen.

"Soomaaliya Waxay ka mid tahay meelaha nafaqo darada badan ay ka jirto, goobaha ugu daran ee laga heli karo caruur iyo dad waaweyn oo nafaqo daro la ildaran waxa ka mid ah xeryaha barakacayaasha iyo meelo kale" ayuu yiri Mr. C/llaahi Nuur Aadan oo si cilmiyeysan uga hadlay mowduucan, waxaana macalimiintan ay si saraaxad leh uga jawaabeen su’aalo ku saabsan mowduucan oo ay weydiiyeen ka qeyb galayaasha ka faa’ideystay tababarka oo ahaa mid aad u xiise badan.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo gaba-gabadii tabbarka hadallo ka jeediyay ayaa u mahad celiyey aqoonyanaadii casharada ka bixiyey halkaas iyo ardaydii ka faaiideysatay intaba.

"Barashada cilmiga nafaqada (Nutrion) waa mid muhiim ah oo wadankeena baahi weyn uu u qabo maadaama ay ku badan tahay nafaqo darada (Malnutrion) ayna aad u yar yihiin dadkii aqoonta u lahaa sidii wax looga qaban lahaa, runtii nafaqo darada anagu waxaan u naqaanaa caruurta ama dadka caatada ah balse dadka buurbuuran xitaa waxay soo galayaan nafaqo darada maxaa yeelay cunto yaraanta & badnaanta labadaba dhibaato ayey keenaan" ayuu yiri Gudoomiyaha.

Qaar ka mid ah ardayda ka faa’iideysatay Seminaarkan ayaa iyana sheegay iney wax badan ka kororsadeen casharada ay qaateen, ayna dareemeen in barashada cilmiga nafaqadu uu yahay mid ka muhimad ballaaran sidii ay markii hore ka aaminsanaayeen, waxayna u mahad celiyeen macalimiintii casharada ka bixiyey seminaarkan iyo maamulka kuliyada culuunta caafimaadkaa ee Jaamacada Banaadir oo seminaarkan ka soo shaqeeyey.

Tababaro, seminaaro iyo barmaamij aqooneedyo kale ayaa had iyo jeer maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Banaadir waxay u qabtaan ardayda wax ka barata kuliyadaha kala duwan ee jaamacada, kuwaasoo sare loogu qaadayo aqoonta iyo fahamka ardayda.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya