4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2016
Kenya: Dabley la tuhmay inay tahay Shabaab oo bir anteeno ku burburisay degmada Mandheera

Khamiis, Luuliyo 28, 2016 (HOL)-Rag hubeysnaa oo la tuhmay inay ka tirsan yihiin xarakada Al-Shabaab ayaa xalay burburiyay bir dheer oo anteeno isgaarsiineed ahayd deegaanka Lafey ee degmada Mandheera.

Wararku waxay intaa ku darayaan in dableydaasi halka ay ku burburiyeen anteenadaa ay tahay magaalada Fino oo hoos timaada deegaanka Lafey ee degmadaasi Mandheera ee gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari Kenya.

Taliyaha ciidamada booliska ee deegaankaasi Lafey Bosita Omukolongolo ayaa sheegay in dableydaasi ay falkaa ku kaceen xalay abbaare 2dii xalay ama sideeda saac ee habeynimo hadii si kale hadalka loo dhigo.

'Rasaas culus ayay isweydaarsadeen dableyda iyo askarteenu laakiin wax khasaare ah oo nafeed ama dhaawac halkaa kama uusan dhicin', ayuu yiri Mr. Bosita Omukolongolo.

Maahan markii ugu horeysay ee dabley la tuhmay inay Shabaab yihiin ay ku burburiyaan degmadaasi gudaheeda bir anteeno. Bishii aanu kasoo gudubnay ee 6aad ee sanadkaan waxaa rag la tuhmay inay yihiin Shabaab ay ku burburiyeen bir kale oo isla noocaa ahayd deegaanka Dhamase dhanka Kenya.

Masuul ka tirsan maamulka degmada Mandheera oo lagu magacaabo Sacad Aabejano ayaa ka codsaday dawlada inay xoojiso ammaanka degmada.

Dalka Kenya ayaa waxaa soo weeraraysay kooxda Shabaab tan iyo markii sanadkii 2011 ay ciidamada Kenya ee KDF galeen dalka Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada, Nairobi Kenya.