4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 28, 2016
MADAXWENAHA: Cayaaruhu Waxay Gacan ka Geystaan Dib u Heshiisiinta iyo is-dhexgalka


Khamiis, July 28, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Qabsoomidda Cayaarihii Maamul-goboleedyada dalka ee dhawaan lagu soo Gaba-gabeeyay Muqdisho ay muujinayaan horumarka laga gaarey dib u heshiisiinta, nabadda iyo is-dhexgalka bulshada.

Xasan Shiikh ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad casho-sharaf ahayd oo xalay xarunta gobolka Banaadir loogu sameeyay dhammaan cayaartoydii ka qeybgashey ciyaarihii dowlad goboleedyada ee Muqdisho ka dhacay.

"Cayaarahaan dhawaan lasoo Gaba-gabeeyay, waxay ahaayeen kuwo ka Yarjumaya Qiimaha Nabadda iyo is-dhexgalka bulshada. Cadowga argagixisada waxay isku dayeen maalintii ciyaarahan lasoo gaba-gabeynayey inay shacabka cabsi ku abuuraan iyagoo geystey weerar waxashnimo, balse taasi inagama hor istaagin inaan hawsheena sii wadano. Dalkeena horey ayuu u sii socdaa, dibna u laaban mayno, waana inuu sidaa ogaadaa cadowga’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyntii kula dar-daarmey cayaartoyda ka kala yimid maamul-goboleedyada kala duwan ee ka qayb-galay tartanka inay fariin nabadeed gaarsiiyaan goobaha ay ka kala yimaadeen, isagoo sidoo kalena u hambalyeeyay kooxihii guulaha ka soo hoyey tartankan.

Ugu dambeyntii, Munaasabaddaan Waxaa ka soo Qayb-galay xubno ka tirsan labada gole, Xubno ka Socotey maamul-goboleedyada dalka iyo mas’uuliyiin kale.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya