4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2016
Turkiga: Dawlada Erdogan oo sii wada xiritaanka macaahiid gaar loo leeyahay

Khamiis, Luuliyo 28, 2016 (HOL)-Dawlada Turkiga ayaa sii wada xiritaanka qeybo ka tirsan warbaahinta dalkaa iyo macaahiida sida gaarka ah loo leeyahay.

Arinkaa ayaa waxaa ka dambeeya afgambigii dhicisoobay ee bishaan bartamaheedii ka dhacay dalkaa Turkiga ee lagu damacsanaa in lagu rido dawlada Erdogan. Haatan ayaa waxaa wali socota kala shaandheynta macaahiida sama doonka ah iyo kuwa lala xiriirinaayo dadka dawlada kasoo horjeeda.

Sidoo kale ayaa madaxweynaha dalkaa ee Raccep Tayip Erdogan wuxuu isku dayayaa in wixii uu soo dumi karo oo dhan uu soo dumo.

Erdogan ayaa xiriir la samaynaya mucaaradka wixii karaankiisa ah si uu u soo jiito.

Hase ahaatee dadaalada lagu xiraayo macaahiida iyo warbaahinta qaar ayaa ah inuu hangool isaga qabto shar wadeyaasha uu ku tuhmaayo in in laiska celiyo maahee wax sheeg iyo waano aan lagu karayn.

Isla bishaan gudaheeda dalkeena Soomaaliya waxaa laga eryay shaqaalihii heyada Nile oo lala xiriirshay wadaadka, Fethulah Gulen oo lagu tuhmaayo inuu maleegay khidada iyo shirqoolka afgambiga aanan shaqeyn balse guul darreystay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]