4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 27, 2016
Taliye cusub oo loo magaaabay laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Somalia (AKHRISO)

Arbaco, July 27, 2016 (HOL) — Taliyihii hore ee Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Gobolka Banaadir, Jen. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa si Rasmi ah loogu Magacaabay Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska RW Somalia, ayaa Jen. Maxamed Aadan Koofir loogu Magacaabay xilkan, kaddib markii dhawaan Madaxweyne, Xasan Sheekh uu u Magacaabay Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud oo xilkan hayay Agaasimaha Hay'adda Nabad-sugidda Qaranka.

Jen. Koofi ayaa wuxuu wax kusoo bartay Dalalka Suudaan iyo Uganda, isagoo xilkan loo magacaabay ka beddeli doonaa Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo Mudo Tobannaan sano ah soo hayay.

AKHRISO: Magacaabida Taliyaha cusub ee Hogaanka socdaalka Somalia;
 

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya