4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 27, 2016
SAWIRRO: Guushii Xulka Puntland oo la soo Dhaweeyay iyo Abaal-marinno loo Ballan-qaaday


Arbaco, July 27, 2016 (HOL) — Dabaal-dagyo waaweyn oo lagu soo dhaweynayay guushii ay xulka Maamulka Puntland kasoo hoyeen tartankii Koobka Maamul-gobleedyada Somalia ee Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shalay ayaa ka dhacay maagaalooyinka waa-weyn ee Puntland.

Kooxda Puntland ayaa shalay gool-ku-laadyo uga badisay kooxda Jubbaland, kaddib cayaar adag oo ahayd cayaartii ugu dambeysay tartankaan, waxayna uga badisay 5-3.

Shacabka Magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe, Qardho iyo Boosaaso, ayaa dhigay dabaal-dagyo ay ku soo dhaweynayaan guushaas, waxaana shacabka qaarkood ay cayaarayeen cayaar-dhaqameedyo ay ku taageerayaan kooxda Puntland.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Puntland, C/shakuur Alaale oo dad fara badan kula hadlayay Magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in Puntland ay dadaal badan u gashay sidii ay koobkan u qaadi lahayd, kaasoo ugu dambeyn uu ALLE ku guuleeyay inay hanato.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa hambalyo u diray kooxda kubadda cagta Puntland oo ku Guulaystay Tartanka maamul-gobleeyda dalka, isagoo abaal-marino u ballan-qaaday maamulka iyo Cayaartoyda Kubadda Cagta Puntland.

Ugu dambeyntii, Koobkan ay ku guuleysteen kooxda Puntland, ayaa Waxaa ku Tartamayay maamul-goboleedyada; Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Banaadir, Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya