4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 27, 2016
Soomaalida oo ku badan xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka


Asad Caliweyd


Arbaco, Luuliyo 27, 2016 (HOL)-Soomaalida Mareykanka ayaa aad ugu badan xisbiga Dimuqraadiga.

Xisbigaa ayaa dhawaan Hillary Clinton u doortay inay noqoto murashaxiisa doorashada madaxweynenimo.

Ilaa afar xubnood ayay jaaliyada Soomaalidu ku lahayd wafdi kula kulmay xubnaha muhiimka ah ee xisbigaa Philadelphia shalay.  3 ka mid ahaa afrtaa qof ayaa ka socday gobolka Minnesota ee Soomaalidu u badan tahay.

Waxaa wafdigaa ka mid ahaa Asad Caliweyd. 'Hal qof oo kale oo Soomaali ah oo wafdiga kujiray ayumbaa gobol kale ka yimid'. Sidaa ayuu yiri.

 'Waxaanu dareemeynaa inaanu qeyb ka nahay bulshada iyo xisbigaan Dimuqraadiga', ayuu sidoo kale yiri Asad.

Xubnaha wafdiga Soomaalida ayaa Asad maahee waxaa kaloo kujiray Samakaab Xuseen, Fartuun Weli iyo Cabdul Axmed.  

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]