4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 27, 2016
QM oo codsatay qarash dheeraad ah oo lagu celiyo qaxootiga Dhadhaab

Arbaco, Luuliyo 27, 2016 (HOL)-QM gaar ahaan heyada qaxootiga u qaabilsan ee UNHCR ayaa codsatay lacago dheeraad ah oo lagu kaabo qarashka lagu celinaayo qaxootiga Dhadhaab.

Hayada qaxootiga waa UNHCR ayaa maanta ka codsatay deeqbixiyeyaasha caalamka $115.4m oo dheeraad ah oo lagu kaabayo lacagaha loogu tala galay celinta qaxootiga Dhadhaab.  War murtiyeed maanta ka soo baxay xafiiska UNHCR ayaa lagu sheegay in sidoo kale loo baahan yahay lacago kaabeyaasha Soomaaliya meelaha la geynaayo qaxootigaa loogu hagaajiyo.

 

'UNHCR waxaa ka go'an xaqiijinta in dhammaan qaxootiga loo celinaayo Soomaaliya loo celiyo si waafaqsan rabitaankooda iyo si sharaf leh'. Waxaa sidaa tiri Valentin Tapsoba oo ah agaasimaha waaxda Afrika ee UNHCR.


'Si aan arinkaa u yeelno, waxaanu ka codsanaynaa beesha caalamka ee deeqda bixisa inay taageerto codsigaan dheeraadka ah'. Sidaa ayay raacisay.


UNHCR ayaa sheegtay inay horey u gudbisay codsi lacageed oo dhan $369.4m si qaxootiga Soomaaliya loogu celiyo, waa qaxootigaa Dhadhaabe.


Lacagaha ayaa waxaa ay sheegtay hayadaasi in qaarkood ceymis caafimaad loogu samayn doono qaxootigaa markii Soomaaliya la geeyo.


Dhanka kale, qaar ka tirsan qaxootiga Dhadhaab oo Soomaaliya dib loogu celin lahaa maanta ayaa ilaa amar dambe celintooda hakad la galiyay.

Arintaa ayaa timid kadib markii shalay labo qarax ay ka dheceen meel ku dhow garoonka Muqdisho ee Aden Abdule Osman International Airport. Qaraxyadaa ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 15 qof dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Dadkaa ayaa maanta lagu waday in laga dajiyo garoonka Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, kasokow qaraxyada iyo ammaan darrada ay soo kordhiyeen waxaa la waayay raq iyo ruux halka uu ku dambeeyo sargaal ka tirsanaa hayada qaxootiga ee UNHCR qaraxyada kadib kaasoo ku qaabili lahaa qaxootigaa Muqdisho.

Qaraxyada iyo falalka kale ee amni darro ee ka dhaca Soomaaliya ayaa walciya celinta qaxootiga Dhadhaab.

 

Dhan kale, qiyaastii ilaa 42 kun oo  Kenyan ah ayaa u diiwaan gashan sidii qaxooti gudaha xeryaha Dhadhaab ee waqooyi bari Kenya, sida laga soo xigtay QM.

Hayada QM u qaabilsan arimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa shalay sheegtay in hannaan dadkaa lagu kala hufayo ay tahay in la bilaabo haatan oo qaar ka tirsan qaxootigaa lagu wado in Soomaaliya lagu celiyo. Xeryahaa ayaa waxaa la doonayaa inay un ku soo haraan 193 kun oo qof wixii loo gaaro dhammaadka sanadkaan.  

'Waxaanu ka war qabnaa in Kenyan dad ahi ay si been abuur ah qaxootinimo u qorteen si ay u helaan adeegyo iyo raashin lacag la'aan ah', afhayeen u hadlay UNHCR oo lagu magacaabo Duke Mwancha ayaa sidaa u sheegay warbaahinta horaantii bishaan.

 Dawlada Kenya ayaa bishii Mey ku baaqday xiritaanka xeryaha Dhadhaab kadib markii ay ula muuqatay inaysan ammaankeeda u rooneyn.

Intaa kadib waxaa hadana dawladaha Kenya iyo Soomaaliya iyo QM isla garteen in hannaanka dib u celinta iyo xiritaanka xeryahaa si tartiib tartiib ah loo sameeyo ee aan qaxootiga celintooda aad loo qasbin lana dadajin.

Bishii lasoo dhaafay waxaa beesha caalamku soo uruurisay deeqo gaaraya aduun lacageed oo dhan $7.2 milyan si loogu fududeeyo hannaanka dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed.

Tan iyo bishii Disembar ee sanadkii 2014, waxaa Soomaaliya ku laabtay in ka badan 17 kun oo qaxootiga Dhadhaab ahaa.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.