4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 27, 2016
Madaxweynaha Jabuuti oo ka Hadlay Xaaladaha ka Taagan Waddamada Caalamka Muslimiinta


Arbaco, July 27, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka 27-aad ee dalalka Carabta oo ka socda dalka Mouritania, ayaa ka hadlay duruufta Ummadaha Carabta ah xilligan haysta iyo sidii looga gudbi lahaa Caqabadaha hortaagan.

Mudane Geelle ayaa si gaar ah u tilmaamay la dagaalanka faqriga, is-balaaruinta argagixisada iyo sidii dhallinyarada loogu Abuuri lahaa fursado shaqo si jiilka soo koryao ay qeyb mug leh uga Qaataan dhismaha dalalkooda iyo horumarkiisa.

Sidoo kale, Madaxweyne Geelle wuxuu soo hadal qaaday colaadda dalka Falastiin, isagoo xusay inay lagama maarmaan tahay in la dhiso dhisidda dowlad Falastiin ah, oo leh Maqaamkeeda iyo dhameynta khilaafka Israa'iil iyo Falastiin si man-diqadaasi loogu abuuro nabad.

Dhanka kale, Ismaaciil Geelle, ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday dagaallada iyo dhibaatooyinka kale ee ka taagan dalalka Suuriya iyo Liibiya iyo sidii xal looga heli lahaa.

Ugu dambeyn, Shir-weynaha Waddamada Carabta ayaa Waxaa Sannadkan markii ugu horreysa lagu qabanayaan dalka Mouretainia, iyadoo lagu soo qaadayo xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya