4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 27, 2016
Xisbiga Dimuqraadiga Mareykanka oo u Xushay Hillary Clinton Doorashada Sannadkan dhacaysa


Arbaco, July 27, 2016 (HOL) — Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa si rasmi ah u magacaabay in xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda Hillary Clinton ay noqoto musharaxa madaxtinnimo ee xisbigaasi u matali doona doorashada madaxtinnimo ee sanadkan ka dhici doonta Mareykanka.

Iyadoo la muujinaayay midnimo xooggan oo xisbiga dhexdiisa ah, ayaa fiidnimadii Talaadada, waxaa Senator-ka Vermont Bernie Sanders, oo Hillary kula Tartamay Doorashada Xisbiga dhexdiisa ahayd, wuxuu ka sheegay shirka in uu jeclaan lahaa in nidaamka la marayo marka la magacaabayo musharaxa la joojiyo oo si toos ah Hillary loo magacaabo.

Waxay aheyd taageero lamid ah tii ay Clinton sameysay 8 sano ka hor markii ay mikrafoonka ku soo dhawaatay si ay u ayiddo taageerana ugu muujiso Barack Obama oo tartankii is Reebreebka kaga soo adkaaday xisibiga dhexdiisa.

Saygeeda Bill Clinton, ayaa sidoo kale Madasha ka hadlay, isagoo sheegay sababaha ay tahay in Mrs. Hillary bisha November ee soo socota loogu codeeyo inay noqoto madaxweynaha Mareykanka.

Ugu dambeyn, Hillary Clinton, ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay ee musharax u noqota mid ka mid ah xisbiyada waaweyn ee taariikhda Mareykanka.

Xigasho: VOA Somalia

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya