4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 27, 2016
AL-SHABAAB: Xildhibaan hore Saalax Badaado ayaa ka mid ahaa Raggii fuliyay Qaraxyadii shalay


Arbaco, July 27, 2016 (HOL) — Idaacadda ku hadasha Afka Al-shabaab ee Andalus ayaa baahisay in Qaraxyadii shalay ka dhacay Agagaarka Garoonka Aadan Cade ee Muqdisho uu raggii fuliyay ka mid ahaa xilhdibaan hore Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado).

Xildhibaankan hore ayaa wuxuu Al-shabaab ku biiray bishii Feberaayo 2010-kii, markaasoo uu ka tagay dhinaca Dowladda Somalia, wuxuuna sheegi jiray in dalka uu gumeysi ku jiro, sidaas awgeedna uu la dagalaamayo ciidanka ku sugan dalka ee AMISOM.

Saalax Babaado oo 57-jira ahaa, ayaa fariin uu duubay ka hor intii aanu fulin Weerarka Wuxuu ku sheegay in uu fulinayo Weerarradii shalay Muqdisho ka dhacay, isagoo ku baaqay in Al-shabaab la taageero.

Hadalkiisa ayuu Saalax Badbaado ku sheegay inuu dadweynaha Somaliland ku nool ay taageeraan Al-shabaab, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la iska garabsado sidii dalka cadowga looga saari lahaa.

Qaraxyadii shalay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 15-qof, iyadoo ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan 20-qof, waxaana dadka dhintay ay inta badan ahaayeen ciidammo.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya