4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 27, 2016
Qaar ka tirsan qaxootiga Dhadaab oo celintooda hakad la galiyay

Arbaco, Luuliyo 27, 2016 (HOL)-Qaar ka tirsan qaxootiga Dhadhaab oo Soomaaliya dib loogu celin lahaa maanta ayaa ilaa amar dambe celintooda hakad la galiyay.

Arintaa ayaa timid kadib markii shalay labo qarax ay ka dheceen meel ku dhow garoonka Muqdisho ee Aden Abdule Osman International Airport. Qaraxyadaa ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 15 qof dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Dadkaa ayaa maanta lagu waday in laga dajiyo garoonka Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, kasokow qaraxyada iyo ammaan darrada ay soo kordhiyeen waxaa la waayay raq iyo ruux halka uu ka dambeeyo sargaal ka tirsanaa hayada qaxootiga ee UNHCR qaraxyada kadib kaasoo ku qaabili lahaa qaxootigaa Muqdisho.

Qaraxyada iyo falalka kale ee amni darro ee ka dhaca Soomaaliya ayaa walciya celinta qaxootiga Dhadhaab.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.