4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 26, 2016
Kulan looga Doodi doono Horumarinta Aqoonta Dalka oo Maanta ka furmay Muqdisho (SAWIRO)

Talaado, July 26, 2016 (HOL) — Muqdisho waxaa maanta ka furmay Kulan-cilmiyeed ay soo Qaban-Qaabisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo looga dhigay cinwaan 'Doorka Waxbarashada Sare ay ku leedahay bulshooyinka ka soo kabanaya colaadaha, iyadoo la tiigsanayo hal-beegyada caalamiga ah ee Waxbarashada Sare.

Kulan-cilmiyeedkan, waxaa furay Guddoomiyaha Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Axmed Jimcaale, kaddibna wuxuu Masraxa ku soo dhaweeyay Wasiirka Waxbarashada Sare ee Dalka, Dr. Cabduqadir Cabdi Xaashi, iyadoo wasiirku uu ka hadlay ballan-qaaday in Wasaaraddiisu ay dhab ka tahay sida Kulan-cilmiyeedkan loo Hir-gelin lahaa wixii kasoo baxana ay loogu daba-qi lahaa sidii loo horumarin lahaa Waxbarashada sare ee Dalka.

Sidoo kale, Kulankan waxaa kasoo qayb galay Aqoon-yahanno Caalamka ka kala yimid oo isugu jira Soomaali Qurbaha ku nool iyo kuwa Gudaha ku nool iyo weliba Ajaanib ka kala yimid Wadamo kale, waxayna isugu jiraan Cilmi-baarayaal, Xeel-dheerayaal, Macallimiin Jaamacadeed & Aqoon-yahanno ku takhasusay siyaasad u samaynta Waddamada Dagaallada kasoo kabanaya, ujeeddkuna waa sidii ay u wadaagi lahaayeen oo isugu geyn lahaayeen khibradooda waxbarashada sare ee bulshada Dagaallada kasoo kabanaya.

Waxaa kaloo kula-cilmiyeedkan Goob-joog ka ahaa Aqoon-yanno matalaysa hay’adaha Tacliinta sare iyo waxbarashada Ahliga ah ee Soomaaliya iyo khuburo kale oo Caalami ah.

Kulankaan oo socon doona muddo saddex casho ah, ayaa wuxuu ka koobnaan doonaa doodo, bandhig aqooneed & cilmi-baarisyo ay soo bandhigi doonaan Aqoon-yahadannada kulanka soo xaadiray.

Xeel-dheerayaasha iyo Aqoon-yahannada ka qayb-galaya kulankan, ayaa ka doodaya Caqabadaha iyo fursadaha horyaalla tacliinta sare ee dalka, taasoo laf-dhabar u ah hormarinta dal walba si loo hubiyo Tayada Xirfadaha, awoodista dardargelinta hormarinta Qaranka iyo xirfadeynta dadka Soomaaliyeed.

Marka Soomaaliya la joogo habka Tacliinta Sare Waxay si Wanaagsan uga Qayb-qaadanaysaa ka soo kabashada Dagaallada sokeeye iyo Saamaynta sahan-cilmiyeed si loo helo Waxbarasho Sare oo aad u Wanaagsan una qalanta Soomaaliya iyo kaabayaasha loo baahan yahay wayo waxaas oo dhami horay dalka ugama jirin.

Dhanka kale, Iyadoo la helin tayaynta habka Tacliinta-sare oo ay dowladdu Maamusho iyo Hay’adihii Hir-gelin lahaa Tayadaas Aqooneed; Soomaalidu Waxay ku Dhibaatoon doonaan ka bixista Bur-burka iyo kabsashadu muddo dheer ayay ku qaadan kartaa.

Ugu dambeyntii, Jaamacadda Ummaddu ayaa waxay diiradda saaraysaa sidii loo heli lahaa tacliin sare oo horseedi karta in laga soo kabto colaadaha, burburka, dhaqaala xumida & dhamaan Astaamaha dib-u-dhaca.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya