4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 26, 2016
SAWIRRO: Dibadbaxyo lagu Diidanaa Xukunkii Maxkamadeed oo ka Dhacay Burco iyo Berbara


Talaado, July 26, 2016 (HOL) — Mudaharaad ballaadhan ayaa manta Magaaladda Burco iyo Berbera ka dhacay, kuwaasoo looga soo Hor-jeeddo xukunkii maxkamadda Militariga ku xukuntay sideed qof dil toogasho ah.

Xalay waxa magaaladda Berbera ka dhacay mudaharaad lagu xidhay jidadka magaaladda, kuwaas oo dadweynuhu ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin in dad shacab ah maxkamad ciidan ay dil ku xukunto.

Sidoo kale, Magaalada Burco ayaa isna maanta mudaharaad xukunka maxkamaddaasi lagu diiddanaa yahay ka dhacday, balse ciidamada amniga ayaa shacabka isku soo baxay kala diray, isla markaana la sheegay in dad ka mid ah kuwii mudaharaadayey xabsiga loo taxaabayey.

Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo ayaa dibadbaxaan ku eedeeyey shakhsiyaad aanu magac dhabin oo uu sheegay inay danno shakhsi ka leeyihiin inay soo abaabulaan mudaharaadka, waxaanu sheegay inay xabsiga u taxaabeen dadkii lagu tuhmayey inay mudaharaadka soo abaabulaan.

"Waxaan dadweynaha Burco u sheegayaa nabadgalyadda waa qaali ee dad dan lihi yeyna Dowladiinna iyo nabadiina idinka hor keenin, nin ujeeddo shakhsiyan leh oo xil doon ahi danta ummaddeena yaanu baabi’in, cid kasta oo aanu ogaanno inay abaabulayaan arrimahan oo kale waanu xidhayna, kuwii aanu ku tuhmaynay abaabulkaasna waanu xidhnay qaar kalena baadhitaan baanu ka wadnaa"ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Togdheer Qabo oo ka hadlayey mudahaaradkii Burco ka dhacay.

Si kastaba ha ahaatee, Dibadbaxan lagu diidan yahay xukunka maxkamadda Militariga ku xukuntay sideed qof dil toogasho ah, ayaa ka dhacay magaaladda Sheekh, Berbera iyo Burco.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland