4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 26, 2016
MADAXWEYNE XASAN: Weeraradan oo kale ma hakinayaan Dagaalka Dhanka ka ah Al-shabaab


Talaado, July 26, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa Cambaareeyay Weerarkii maanta ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay u dhinteen ugu yaraan 15-qof, ayna ku dhaawacmeen 20-qof oo kale.

"Weerarkan waxashnimo ee kooxda argagixisada ay soo qaadeen waxaa ujeedkiisu uu ahaa in shacab badan lagu Waxyeelleeyo, lana Dhibaateeyo Hawlaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed loogu Adeegayo ee goobtaasi ka socda. Argagixisadu waxay doonayaan inay shacabka iyo dowladda niyad jebiyaan, Taasina ma ahan Suuro-gal, waayo cid walba ayaa ka dheregsan ujeeddooyinka guracan ee kooxdan dembiileyaasha ah ay leeyihiin oo ah inay nolosha u diidaan shacabka, burburna geystaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Wuxuu tacsi u diray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kuwa AMISOM, qoysaska iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii weeraradaas lagu dilay iyagoo Waajibaadkooda Gudanaya, isagoo kuwa ku Dhaawacmeyna u rajeeyay Caafimaad Deg-deg ah.

Madaxweynaha Soomaalilya ayaa dhanka kale Ammaan u jeediyay Ciidanka Qalabka Sida ee Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo uu sheegay inay mar walba u taagan yihiin sugida Amniga cadowgana cashar u dhigaan.

Ugu dambeyn, Wuxuu sidoo kale uu Madaxweyne Xasan Sheekh Hoosta ka-xariiqay in Dowladda ay ka go’an tahay sugidda ammaanka, ilaalinta shacabka iyo in ugu dambeyna Argagaxisada laga sifeyn doono goobaha ay weli ku harsan yihiin.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya