4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 26, 2016
Kenya: Askar KDF ka tirsan oo qarax ku dhaawacmay degmada Lamu

Talaado, Luuliyo 26, 2016 (HOL)-In ka badan shan askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ee KDF ayaa dhaawacmay kadib markii taangi ay saarnaayeen miino ku kacday maanta.

Miinadaa ayaa ku qaraxday taangigaa mar sii horeysay oo uu maraayay meesha lagu magacaabo Ishakani oo ka tirsan deegaanka Kiunga ee bariga Degmada Lamu.  Halkaa ayaa aad ugu dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaa looga shakiyay in miinadaa ay halkaa galisay kooxda Al-Shabaab.

Askari boolis ah oo aan dooneyn magaciisa in la xuso ayaa warbaahinta u sheegay in taangigii uu aad u burburay oo uusan rajo dambe lahayn.

"Dhammaan askartii ayagoo nool ayay dibada uga soo baxeen. Xoogaa dhaawacyo ah umbaa soo gaaray, wax aad halis u ahna ma leh," sidaa ayuu yiri.

Isticmaalka walxaha qarxa ayaa kusoo batay nawaaxigaa. 10kii bishaan 10 askari oo boolis militaariyo ah ayaa ka badbaaday miino gaari gaashaaman oo ay wateen kula kacday deegaanka Baure oo ka tirsan bariga degmada Lamu.

Al-Shabaab ayaa xarakaat ka waday degmadaa 2dii sano ee lasoo dhaafay.
 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]