4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 26, 2016
Madaxweyne ku xigeenkii South Sudan oo Xilka laga qaaday iyo Cabsi laga qabo Dagaal Sokeeye


Talaado, July 26, 2016 (HOL) — Hoggaamiyaha Mucaaradka dalka Koonfurta Suudaan, Riek Machar ayaa xilkii madaxweyne ku xigeenka Waddankaas laga qaaday iyadoo lagu bedelay Taban Deng Guy oo ahaa mas'uulkii mucaaradka uga qaybgalay wada-hadalladii nabadeed ee lagu qabtay Addis Ababa.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay ku timid, kaddib markii uu mucaaradku kala jabay, iyadoo garab ka mid ah dhinacyada uu u Degn Guy u caleemo-saartay inuu yahay guddoomiyaha awoodda mucaaradka dalka Koonfurta Suudaan.

Riek Machar, ayaa ka baxay magaalada xarunta ah ee Juba kaddib markii uu ka dhacay iska-horimaad u dhexeeya Ciidamada Machar iyo kuwa Madaxweyne, Salva Kiir, Dagaalkaas oo dhaawac u geystay heshiiskii nabadeed.

Sidoo kale, Machar ayaa diiday inuu kusoo noqdo Caasimadda Juba, illaa inta ciidammo nabad-ilaalin ah oo Ammaankiisa suga laga geynayo Magaaladaas, inkastoo uusan ka hadlin Xil-ka-Qaadistaan lagu sameeyay.

Taageerayaasha Machar, ayaa ku tilmaamay Tallaabadaan lagu beddelay mid sharciga hareer marsan, iyagoo sheegay in arrintan aanay go’aansan inta badan Hoggaanka Mucaaradka.

Madaxweynaha Koonfurta Sudaan, Riek Machar ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray ayaa lagu sheegay in xilka looga qaaday Riek Machar, Taasoo ka saaraysa meesha ku tiirsanaantii mucaaradka Machar.

Ugu dambeyn, Cabsi haatan jirta ayaa ah inuu burburo heshiiskii Addis Ababa lagu soo gaaray, sidoo kalena ay dalka dagaallo sokeeye dib uga billowdaan, maadaama ay xurguftii siyaasadeed weli taagan tahay.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya