4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 26, 2016
Suuriya, Ciraaq, Yemen iyo Liibya oo arimahoodu hareynayaan ajendaha shirweynaha Carabta

Talaado, Luuliyo 26, 2016 (HOL)-Hoggaamiyeyaasha ururka dalalka jaamacada Carabta ee ka qeyb qaadanaya shirweynaha Carabta ee kasocda maanta caasimada dalka Mauritania ayaa ballan qaaday isla markaana wacad ku maray in ay ka adkaan doonaan argagaxisonimada.

Shirka ayaa waxaa guddoominaaya madaxweynaha Mauritania, Maxamed Ould Abdel Aziiz. Shirkaa ayaa furmay shalay asagoo lagu qabtay teendho weyn oo ku taala caasimada dalkaa ee Nouakchott.

Ajendayaasha shirkaa ayaa waxaa ugu horeeya dhibaatooyinka ka taagan dunida Muslimka gaar ahaan dalalka Carabta weliba Suuriya, Ciraaq, Yemen iyo Liibiya.

Raisul wasaaraha Masar ayaa halkaa ka hadlay oo sheegay in faragalinta shisheeyuhu sababtay in gobolka ay kasoo baxdo fallaagada Daacish oo aad u dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya. 

"Waa inaanu ka hortagno faragalintaa,"  ayuu yiri raisul wasaaraha Masar Sherif Ismaaciil.

Dhanka kale, madaxweynaha Yemen ayaa ugu baaqay fallaagada dalkaa ka dagaalanta ee Xuutiyiinta inay soo wareejiso hubka.

Haatan ayaa wali waxaa Yemen ka socda duqeynta ay wadaan Sacuudiga iyo xulufadiisu.  Wuxuu intaa ku daray in duqeyntu rajo keeneyso.

Ilaa 9,000 oo qof ayaa lagu dilay Yemen laga soo bilaabo markii duqeynta Sacuudigu bilaabay waqtigaa oo ahaa bishii Maarso ee sanadkaan.   Dadkaa badankoodu waxay ahaayeen rayid sida laga soo xigtay QM.

Waxaa sidoo kale dagaalkaa ku barakacay 2.8 m oo qof.

Waxyaabaha kale ee shirkaa lagu qaadaa dhigayo ayaa waxaa ka mid ah sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii u dhexeeyay Falastiiniyiinta iyo Israaiil.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]