4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 26, 2016
Qarax o Goor-dhaw ka dhacay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho


Talaado, July 26, 2016 (HOL) — Qarax aadu Culus ayaa Goor-dhaw ka dhacay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan baar ku dhaw jidka isku xirta irridaha Garoonka iyo Xerada Xalane oo saldhig u ah AMISOM.

Wararka hordhaca ah, ayaa sheegaya inay dad badan ku Geeriyoodeen, tiro kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, waxaana xiran aga-gaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo loo diiday Gaadiidka iyo dadka inay garoonka iyo xerada Xalane u dhawaadaan.

"Qaraxa wuxuu ahaa mid culus, wuxuu ka dhacay inta u dhexeysa albaabada laga galo Garoonka iyo Xerada Xalane, wuxuuna ka hor-dhacay baar waddada ku yaalla, illaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay, balse dhimasho iyo dhaawac waa jiraan, goobta oo dhanna way xiran tahay, ayuu HOL u sheegay mid ka mid ah Taksiilayaasha ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Jugta Qaraxaan ayaa laga maqlay inta badan Degmooyinka ku dhaw garoonka diyaaradaha Muqdisho, mana jirto cid sheegatay mas'uuliyadiisa iyadoo sidoo kalena Dowladda Somalia aysan weli ka hadlin Qaraxaan.

Wixii kasoo kordha waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya