4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 26, 2016
Ilaa 20 qof oo naafo ah oo lagu dilay dalka Japan

Talaado, Luuliyo 26, 2016 (HOL)-Aroornimadii saaka nin mindi ku hubeysnaa ayaa dilay ilaa labaatan qof gudaha dalka Japan.

Dadkaa ayaa waxaa la sheegay inuu ninkaasi gawracay. Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkaasi uu ka shaqeynaayay meel lagu xannaaneeyo dadkaa naafada ah.

Ninkaa oo dhallin yaro ah ayaa usoo dhacay halkaa asagoo dilay dadkaa.

Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay ninkaa ugu dambeyntii. Ninkaa gacan ku dhiiglaha ah ayaa waxaa lagu qabtay mindidii dadkaa uu ku qalay iyo boorso ay ka buuxeen mindiyo kale oo dhiig leh.

Ninkaa ayaa sheegay inuu doonayay inuu dadka naafada ah ee sida uu sheegay aan waxba qabsan karin uu dhaafiyo aduunka.

Dalka Japan ayaa dhowr jeer oo hore waxaa soo maray dhacdooyin noocaan ah oo dad lagu waxyeeleeyay mindiyo.

Japan ayaa waxaan ku badnayn qoryaha oo ay adag tahay in la helo qoryo iyo bastoolado laakiin helitaanka mindiyaha ayaa fudud.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]