4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 6 , 2016
WARBIXIN: Doorashada Somalia ee la Filayo in ay Dhacdo Sannadkaan iyo Dareenka Shacabka


Sabti, August 06, 2016 (HOL) — Dabcan ma ahan wax ku cusub masraxa Siyaasadda Soomaaliya in waqtiyadan oo kale siyaasiyiinta isku khilaafaan habka iyo sidda loo wajahayo doorashada marka uu soo idlaado waqtiga dowladda xiligaa jirta, laakiin hadda xaalku waa mid ka duwan marlxadihii doorasho ee dalku soo maray dowladihii tan hadda jirta ka horeeyay.

Maxaa yeellay dalka kama jirin tirada maanta ay gaarsiisan yihiin maamul-gobolleedyada marka laga reebo Puntland, siddoo kalana ma jirin asxaab siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin shaqsiyaad qaarkood xilal horay uga soo qabtay dowladihii isaga danbeeyay dalka, kuwaa oo intooda badan leh damac gaarsiisan ilaa heer in ay qabtaan awood ugu sareysan dalka [Madaxweyne] waana tan keentay in uu abuurmo khiilaaf siyaasadeed salka ku haya habka iyo sidda loo wajahayo doorashada.

Inkastoo dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Max'uud rasmi ahaan waqtigeedu ku eg-yahay 10 bisha September ee Sannadkaan, haddana dhinaca kale waxaa iska cad in aan laga fursan doonin waqti dheeraad ah, madaama uu jiro dib u dhac weyn oo la xiriira u diyaar-garoowga baarlamaankii badali lahaa kan hadda jira oo waqtigiisu ku dhamaanayo 20ka bishan aynu ku jiro ee Augusto.

Balse marka dhinaca kale la eego waxaa jira shaki laga qabo in xasarad siyaasadeed ka dhax abuuranto hay'adaha dowladda sida baarlamanka, Gollaha fulinta iyo Madaxtooyada oo laga yaabo in ay isku qabtaan cidda ay tahay in mudadda loo kordhiyo.

Siyaasiyiinta qaar ayaa qaba in baarlamaanka hadda jira loo sameeyo muddo kordhin labo ilaa saddex bilood ah, taa oo macnaheedu noqonayo in ay meesha ka baxayaan madaxweynaha iyo guud ahaanba gollaha fulinta, siddaana uu dalka madaxweyne uga sii ahaanayo afhayeenka baarlamaanka Prof Max'ed Cismaan Jawaari.

Arinta kale ee doodda ugu badan dhalin karta ayaa ah sidda loo soo xulayo xubnaha aqalka sare iyo kan hoose, halka lagu soo xullayo, iyo tirada dadka ay tahay in ay soo xulaan.

Gaar ahaan xubnaha aqalka sare iyo kan hoose uga mid noqonaya maamulada Soomaaliland, Khatumo State iyo gobollada Hiiraan & Sh/dhexe oo aan ilaa iyo hadda ku hishiin in ay maamul wada-dhistaan.

Siddoo kale, Waxaan meesha ka marneyn Maqaamka Gobolka Banaadir ee xarunta Soomaaliya marka laga hadlayo doorashada dalka.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka saameynta weyn ku leh siyaasada Soomaaliya ayaa ka digay in meel aan aheyn magaalada Beledweyne lagu soo xulo xildhibaannada gobolka Hiiraan uga mid noqonaya baarlamaanka cusub ee federaalka, halka dhinaca kalana uu siweyn uga soo horjeestay afarta xubnood ee la sheegay in gobolka Hiiraan uu ku yeellanayo aqalka sare, isaga oo sheegay in gobolka wax ka yar siddeed xubnood ka qaadan doonin xubnaha aqalka sare.

Musharixiinta madaxa-banaan iyo siyaasiyiinta sidda weyn uga soo horjeeda DF ayaa qaba in xukuumada waqtigan jirta ku howlan tahay caburinta aragtiyada ay qabaan dadka intooda aan la dhacsaneyn habka ay wax u maamuleyso, laakiin dhinaca dowladda eedeymahaas waa ay beenisay.

Marka aad hoos ahaan u sii eegto dareenka shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan sidda ay wax u socdaan ayaa ah baqdin laga qabi karo in dalku uu wajaho daganaan la'aan siyaasadeed oo ka iman karta loolanka u dhaxeeya hogaamiyayaasha Madasha-wadda-tashiga, Siyaasiyiintaasxaabta dalka ka jirta, iyo Musharixiinta madaxa-banaan, oo koox walba aragtidooda siyaasadeed ku cabiraya hadba dariiqa ugu fudud oo ay markan ku hanan karaan tallada dalka.

Shacabka oo mar horeba iska hilmaamay rajadii aheyd in sanadkan dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, ayaa sidoo kale waqtigan rajo badan ka qabin in doorashada dalka ku dhici karto waqtigii loo qorsheeyay, taasoo ay u sii dheer tahay muran siyaasadeed ka dhax aloosan dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya oo laftirkeeda shaki badan abuuri karta.

Ugu dambeyn, wali waxba kalama cadda, go'aan rasmi ahna lagama gaarin sidda wax laga yeellayo madaama waqtigu sii dhamaanayo, haddana dhinaca kale waxaa hubaal ah in hogaamiyayaasha dalku isku raaci doonaan waqti dheeraad ah oo aan la ogeyn in baaarlamaanka loo kordhin doono ama xukuumada oo wadda jirta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya