4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 6 , 2016
XISBIGA ANC oo Guul-darro weyn kala Kulmay Doorashadii Dowladaha Hoose ee Koonfur Afrika


Sabti, August 06, 2016 (HOL) — Xisbiga haya Talada Waddanka Koonfur Afrika ee African National Congress [ANC], ayaa guul-darro kala kulmay Magaalada Pretoria, kaddib markii xisbiga DA uu kula galay loolan adag.

Doorashadii Dowladaha Hoose ee Magaaladaas ka dhacday, ayaa waxay ku raacday guusha Xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Alliance DA, kaas oo horay ugu Guuleeystay Magaalada kale ee Port Elizabeth.

Codadka intooda badan ayaa wuxuu Xisbiga DA ka helay 43% marka la bar-bardhigo xisbiga ANC oo helay 41% ee Magaalada caasimadda ah. Sidoo kale Xisbiga DA ayaa u baahan inuu Xulafo Raadsado si ay ugu Suuro-gasho in uu maamulo magaalooyinka uu ku guulesytay codadkooda.

Sidoo kale, Magaalada Johannesburg ayuu labadan xisbi loolan adag ku dhax- maraya waana kuwa isku dhawcodadka haatan la tiriyay, waana natiijadii ugu hoosaysay ee soo marta xisbiga talada haya ee ANC tan iyo wixii xukunkii midab-takoorka ka dambysay.

Ugu dambeyn, Xisbiga Mucaaradka ayaa saameyn xoogan ku yeeshay Doorashada Dowladaha Hoose ee Koonfur Afirka, waxayna u muuqataa inay dalka ku sii baahayaan taageeraysha xisbiga DA, iyadoo Pretoria ay haatan noqonayso magaladii labaad oo ay Doorashooyinkaan Dowladaha Hoose kaga Ad-kaadaan Xisbiga faca-weyn ee Koonfur Afrika xukuma.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya