4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 6 , 2016
Shirka Madaxda DF Somalia iyo kuwa Maamul-goboleedyada oo socda iyo Qodobbo la isla gartay


Sabti, August 06, 2016 (HOL) — Shirka Madasha ayaa Muqdisho weli uga socda Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamul-goboleedyada Somalia, iyadoo la rajeynayo in berri uu soo xirmo.

Illaa hadda waxaa horumar laga gaaray Arrimaha la xiriira dadajinta arrimaha Doorashada lagu wado inay Sannadkan dalka ka dhacdo, sida meel-marinta Miisaaniyada Doorashada, hannaanka mataaladda Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir iyo xubnaha ka iman doona beelaha ka soo jeeda Somaliland.

Sidoo kale, Waxaa la isku afgartey in deg-deg loo soo dhiso maamulka ka dhexeyn doona Hobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan iyo in si buuxda loo Taageero Hawlaha Guddiga Doorashooyinka ee Heer federaal oo xil weyn iska saaray sidii doorashadan ay u najixi lahayd.

Dhanka kale, Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Maxamed Cumar Carte iyo Madaxda Maamul-goboleedyada dalka ka jira.

Ugu dambeyntii, Waxaa la Filayaa in Gaba-gabada Kulankan laga soo saaro War-murtiyeed Qeexaya Qodobada la isku af-gartay oo dhan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya