4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 6 , 2016
Xukuumadda Somaliland oo u gudbisay Golaha Wakiilada heshiishkii Dekadda Berbera (Sawiro)

Sabti, August 06, 2016 (HOL) — Xukuumadda Somaliland, ayaa Maanta Golaha Wakiillada u soo gudbisay Heshiishkii maal-gashiga dekada Magaalada Berbera oo ay dhawaan meel-mariyeen Golaha Xukuumadda, kaasi oo si weyn ugu kala qaybsan yihiin xildhibaanadda golaha wakiiladdu.

Guddoomiyaha Wakiiladda Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro oo kulankii Maanta Shir-guddoominayey,waxaanu golaha ku wargaliyey inay warbixin ka soo jeedin doonaan Golaha Guddiga wasiiradda ka kooban ee loo xil saaray heshiishka maalgashiga Dekadda Berbera.

Waxaana Guddigan Wasiirrada ah hor-kacayey wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, waxaana ku Wehelinayey Wasiirka Maaliyadda, Sam-sam Cabdi Aadan, Wasiirka Qorsheynta, Cali Shoombe, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sacad Cali Shire, Wasiirka Warfaafinta, Cismaan Cadaani iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Baashe Cawil.

Heshiishkan golaha loo soo gudbiyey ayaa si weyn goluhu ugu kala qaybsan yihiin, isla markaana jawiga golaha laga dareemayey kacsanaan, iyagoo Xildhibaannada qaar ku doodayeen in Heshiishkii rasmiga ah ee ay ku yaalaan saxeexyaasha labadda dhinac oo dhamaystiran loo soo gudbiyo golaha, isla markaana sheegay in aanay ogolaan doonin warbixin kooban oo laga soo jeediyo golaha iyo waraaqo kooban oo loo qaybiyo.

Hase yeeshee, wasiiraddan golaha ka hadlay ayaa isku dayey inay qanciyaan, isla markaana khudbado dhaadheer ka jeediyey golaha.

Wasiiradda arramaha dibadda Sacad Cali Shire, wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi iyo wasiirka Maaliiyadda Samsam Cabdi Aadan, ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiishkan, isla markaana golaha ka codsaday inay goluhu ansixiyo heshiishkan si dalka loo maalgaliyo.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada oo ka mid ah guddida horumarinta Dekeda Berbera , ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan ay heshiiskaasi u arkaa mid kor u qaadaya dhaqaalaha iyo sumcada dalka.

"Waxaanu golaha u soo gudbinay nuxurkii hesiiskii aanu la galnay shirkada DP World, heshiiskii kama dambaynta ahaa nuqulkii ugu dambeeyey heshiiska maanu sexeexin, waxa laga yaabaa in lays waydiiyo maxaa heshiiska kama dambayta ah golaha loogu keeni waayey, mudane gudoomiye iyo mudanayaal ma jiro waxa aanu qarsanaynaa, hadaanu wax qarinayno halkanba maanu keeneen, waxa aynu ugu murmi lahayn sidii awalba aynu ugu murmi jrinay, sidii Xukuumadihii Somaliland ee kale dambeeyey iyo golayaasha sharci dajintu ay ugu murmi jireen qodobka awooda golaha wakiilada siinaya ansixinta heshiisyada caalamiga ah, ee Xukuumaduhuna iska taagi jireen heshiisyada caalamiga ahi waa kuwa dawliga ah, murankaa maanu ag marin sida uu gudoomiyuhu sheegay waa heshiiskii ugu horeeyey ee golahan la keeno, waa heshiis ugu luxdanaa, maadaama oo uu yahay heshiis saamayn ku leh qarankan iyo bulshadiisa, waxaanu go’aansanay inaan la jeesin, la hulaaban ama guntiga gaar wax u gashan, meesha la maalgalinayaa waa Berbera, " Berberi wax go lagu qaado ka weyn"markaa in aanu la wadaagno madaxdii qaranka iyo hay’adihii sharci dajinta ayaanu doorbidnay, haddii aanu heshiiska gunaanadno, oo Final Contention agreement aanu saxeexno, mudane gudoomiye iyo mudanayaal markaa baahi badan looma qabo in golahan la hor keeno, waxa weeye nuxurkii tiirarkii heshiiskaasi ku tiirsanaa, aqalka marka la dhisayo seeska iyo kaabadaha iyo inta adag ayaa la dhisaa, hesiishkani intii uu ku taagnaa waa kuwa halkaa ku qoran."ayuu yidhi wasiiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi.

Intaas kaddibna, Waxaa Golaha loo Qaybiyay Nuqullo ka mid ah heshiishka, waxaana xildhibaanaddu waydiiyeen guddidan wasiiradda ah su’aallo kulul, waxaana ay sheegeen inay soo akhri doonaan ka dibna la isku soo noqon doonno.

Ugu dambeynyii, Heshiishkan Maal-gashiga Dekedda Berbera ayaa ah mid Xasaasi ah, isla markaana Xildhibaanaddu ku kala Qaybsan yihiin, iyagoo sheegay in aanay heshiiskaan ku Meel-marin doonin duuduub, isla mrakaana ka soo baaraandegi doonaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland