4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 6 , 2016
DHEGA-WEYNE: Ma jiraan Ciidammo ka Tirsan DF oo Garoonka Gaalkacyo Qabsaday (Dhageyso)


Sabti, August 06, 2016 (HOL) — Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ee Puntland, Saciid C/raxmaan Dhaga-weyne, ayaa beeniyay in Ciidamada Danab ee Dowladda Federaalka Somalia ay la wareegeen gabi ahaan Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee Gaalkacyo, Warkaasoo ay baahiyeen Qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida.

Isagoo Warbaahinta la hadlayay ayuu maareeyuhu sheegay inaysan jirin ciidammo ka tirsan Dowladda Somalia oo qabsaday garoonka, wuxuuna xusay in garoonka u shaqeynayo ayna ka soo dageen Maanta Diyaaradaha Mudan iyo Freedom oo ka hawl-gala Soomaaliya.

DHAGEYSO: Codka Maareeyaha Puntland ee Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo;

Sidoo kale, Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo, ayaa sheegay in Puntland ay ka mid tahay Dowladda Federaalka Somalia, aysan jirin sabab ay ciidammo kale oo Soomaaliyeed ugu soo duulan Garoonka.

Dhinaca kale, Maareeye Saciid Dhaga-weyne ayaa sheegay in Wariyeyaasha Soomaaliyeed ay yihiin kuwo mar walba Marxalado adag ku shaqeeya, balse ay ku jiraan kuwo been u sheega bulshada.

Ugu dambeyntii, Maareeyaha Garoonka degmada Gaalkacyo ee Puntland ayaa Warbaahinta soo tusay Qaybaha kala duwan ee Garoonka, Xilligaasoo ay ka socotay Garoonka shaqo maalmeedkii caadiga ahaa.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan Online
E-mail: [email protected]
Garowe, Puntland, Soomaaliya