4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 6 , 2016
Dhowr qof oo kale oo ku dhintay rabshado dhulka lahaanshiyihiisa kusaabsan- Itoobiya

 

Sabti, Agoosto 06, 2016 (HOL)-Dhowr qof oo kale ayaa ku dhintay dalka Itoobiya mudaaharaadyo iyo rabshado la xiriira arimaha dhulka.

Shalay ayaa 2 qof lagu dilay magaalada qadiimiga ah ee Gondor. Dhowr qof oo kale ayaa asbuucii tagay sidoo kale ku dhintay halkaa kadib rabshado ka dhashay mudaaharaadyo looga soo horjeedo dhul ay qawmiyada Amxaaro sheeganayso oo la hoos geeyay maamulka qawmiyada Tigre.

Booliska iyo dibadbaxeyaasha oo iska horyimid ayay labada ruux ku dhinteen.

Shaqaaqooyinka haatan socda ayaa laga baqayaa inay Itoobiya u horseedaan kala jab kusalaysan qabaail iyo deegaan.

Bilo ka hor, qawmiyada Oromada ayaa dibadbaxyo sameeysay kadib markii booliska iyo dibadbaxeyaashu iska horimaadeena tobanaan qof ayaa sidaa ku dhintay.

Qowmiyada Oromo ayaa ka careysneyd in deegaankeeda lagu soo fidinaayay caasimada Addis Ababa.