4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 6 , 2016
Soomaaliya oo Bisha soo Socota Marti-gelineysa Shir-madaxeedka dalalka urur Goboleedka IGAD


Sabti, August 06, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib markii uu magaalada Addis Ababa kaga soo Qayb-galay Shir-madaxeedkii waddamada xubnaha ka ah ururka IGAD, isagoo sheegay in shirka Madaxeedka IGAD lagu qaban doono Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Go'aannadii Kulankaas kasoo baxay ay ka mid ahaayeen ka mid ah in ciidammo la geeyo dalka Koonfurta Sudan, in nabadda la dhiirri-geliyo, lana xushmeeyo heshiisyada siyaasadeed ee ay gaareen labada dhinac ee isku haya Siyaasadda dalkaas.

Waxaa sidoo kale madaxda IGAD ay go’aamiyeen in Shir-madaxeedkooda Sannadlaha ah ee dhacaya bisha soo socota ee September horaanteeda lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka ku bahoobay Ururka IGAD ayaa 10-kii bishii Jannaayo ee Sannadkii hore 2015-kii, waxay shirkoodii 53-aad, kaas oo qodobbadii looga hadlay ay u badnaayeen Arrimaha Soomaaliya.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya