4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 6 , 2016
Madaafiic Xalay lagu Garaacay Qaybo ka mid ah Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay


Sabti, August 06, 2016 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, Saddex ruux oo kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii xalay saqdii dhexe lagu garaacay madaafiic Xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Madaafiicdan oo hoobiyeyaal ahaa, ayaa waxay intooda badan ku dhaceen Xaafadda Wadajir oo ku dhaw Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, iyadoo tiro kale oo Madaafiic ahna ay ku dhaceen Gudaha garoonka, balse aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay mas'uuliyadda duqeymahan, iyadoo war ay soo saartay ku xustay inay weerar duqeymo ah oo socday muddo Nus-saac ku dhaw ay ku qaadday degmada Baydhabo.

Dhimashada iyo dhaawacyada dadka rayidka ah ayaa dhigay isbitaalka guud ee Baydhabo halkaasoo lagu daweynayo, waxaana duqeymahan ay kusoo beegmayaa xilli amaanka magaaladaas uu wanaagsanaa dhawaanahan.

Ugu dambeyn, Duqeymo noocan oo kale ah, balse sababay khasaare aad u badan ayaa bishii Juun ee sannadkan waxaa lagu garaacay Baydhabo, iyadoo duqeymahan ay ahaayeen kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Gobolkaas ka dhaca.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya