4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 6 , 2016
C/WELI GAAS: Waxaa laga yabaa inay dib uga dhacdo Xilligii loo Qorsheeyay Doorashooyinka


Sabti, August 06, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in dib loo dhigayo Doorashadii Madaxda Somalia iyo Hay’adaha Dawliga ah ugu yaraan laba bilood.

Wareyisi uu C/weli Gaas siiyay VOA-da ayuu ku sheegay in inkastoo aysan Madaxda Soomaalida isla gaarin heshiis buuxa, haddana uu aamisan yahay in qorshaha doorashooyinka lagu Dhammaystiri karo laba bilood.

Sidoo kale, C/weli Gaas oo ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Maamul-goboleeedyada dalka ayaa xusay in Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada ay tahay mid ay si Wadajir ah u bixinayaan Beesha Caalamka iyo Soomaalida.

"Waxay u baahan tahay farsamo gaar ah dhamaystirka labada gobol, wayna socotaa waxaana rajeynaynaa in labo bilood lagu soo dhamaystiro dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, Haddii ay dhismi waayaan waxay la mid noqon karaan Somaliland ama si farsamo ah loo dhamaystiro," ayuu yiri C/weli Gaas.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa rajo ka muujiyay in kulanka Madasha uu Axadda Toddobaadkan soo Dhammaado, wuxuuna beeniyay in shirka looga hadlay arimo ku saabasan maamulka Khaatumo.

Ugu dambeyn, Shirka Madasha Wada-tashiga ee Doorashooyinka 2016-ka, ayaan weli wax natiijo ah laga soo saarin, iyadoo lagu wado in labada casho ee soo socda lasoo gaba-gabeeyo lagana soo saaro war-murtiyeed.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya