4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 6 , 2016
Soomaalida Mareykanka oo ka jawaabceliyay hadaladii Trump

Sabti, Agoosto 06, 2016 (HOL)-Soomaalida Portland, Maine ee dalka Mareykanka ayaa ka falceliyay hadalada Donald Trump ee ka dhanka ah Soomaalida Mareykanka.

Trump ayaa maalin ka hor weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Mareykanka gaar ahaan Soomaalida Portland, Maine. Trump ayaa sheegay in Soomaalidu khatar ku yihiin Mareykanka dhaqaalihiisa iyo ammaankiisa.

Wuxuu sheegay in Soomaali badan oo qaxooti ah la keenay Portland, Maine asagoo sheegay halkaa in dadka ugu badan ay yihiin dadka caddaanka ah.

Wuxuu intaa ku daray in Soomaalidu ka yimaadaan meel ka mid ah meelaha ugu khatarta badan caalamka oo uu ula jeeday Soomaaliya!

Wuxuu kaloo sheegay in keenitaanka Soomaali aad u badan gudaha Mareykanka ay keeneyso cawaaqib aan lasii saadaalin karayn.

Hadaladiisa ayaa waxaa ka dhiidhiyay Soomaalida Mareykanka gaar ahaan Soomaalida daggan Portland, Maine maadaama hadaladiisaa ay kuyihiin dadaaladooda dhaqaale liddi iyo wax aanan loo dul qaadan karayn.

Waxaa kunool Portland iyo Lewiston Soomaali tiradoodu gaareyso 10 kun. Soomaalida Mareykanka ayaa hadaladiisa cambaareeyay ayagoo ku tilmaamay been  iyo waxba kama jiraan.

Magaalada Portland ayaa aad uga faaiiday muhaajiriinta gaar ahaan Soomaalida oo ah dad aad u dadaal badan oo dhaqaalaha wax kusoo kordhiyay.

Kasokow Minneapolis iyo Minnesota oo Soomaalidu aad ugu badan yihiin iyo weliba meelo kale oo Mareykanka ah, tan iyo sagaashameeyadii ayaa Soomaalidu qaarba mar imaanayeen Portland.

Soomaalida iyo muhaajiriin kale ayaa haatan aad wax uga barta halkaa sidoo kalena ku leh ganacsiyo.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]