4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2016
Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee Soomaaliya oo la kulmay maamulka Jaamacada Afrika- Suudaan

Sabti, Agoosto 06, 2016 (HOL)-Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa Khartoum Suudaan shalay galinkii dambe kula kulmay maamulka Jaamacada Afrika ee Caalamiga ah.

Xubnaha ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku joogay Khartoum Suudaan.

C/Qaadir Cosoble oo wafdigaa baarlamaanka Soomaaliya ka mid ah ayaa ka maqsuuday in ardaydii Soomaaliyeed ee wax ka baratay jaamacadaa ay haatan jagooyin muhiim ah Soomaaliya ka hayaan.

C/Qaadir ayaa intaa raaciyay in kumanaan arday Soomaaliyeed ah oo aad wax uga bartay jaamacadaa iyo guud ahaan Suudaan ay haatan Soomaaliya wax badan kusoo kordhiyeen.

Guddoomiyaha Jaamacada Afrika ee Caalamiga ah Dr. Kamaal Cubeyd ayaa arinkaa tasdiiqshay asagoo sheegay inuu asaguba Xamar tagay dhawaan uuna soo arkay arday badan oo wax ku baratay Suudaan oo Soomaaliya jagooyin muhiim ah ka haya dawlada iyo ganacsiyada sida gaarka ah loo leeyahay intaba.

Wuxuu intaa kudaray Kamaal in guud ahaan Soomaaliya ay iminka horumar kutillaabsanayso.

Jaamacada Afrika ee Caalamiga ah ayaa waxaa wax ka barta arday badan oo dalal badan oo qaarada Afrika kuyaala kasoo kala jeeda kuwaasoo la baro maadi iyo diini intaba iyo weliba luuqada Carabiga oo jaamacadaasi ay aad ugu caan baxday.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]